Trump oo jebiyey iskoorka duqeymaha Soomaaliya ee laba madaxweyne

Image

WASHINGTON, US – Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa jebiyey iskoorka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya dowladihii ay hogaaminayeen madaxweyneyaasha George W. Bush iyo Barack Obama.

Sanadkii hore 2019, maamulka Trump oo Soomaaliya u aqoonsaday "meel ay colaad ka jirto" ayaa fuliyey 63 duqeymo, waana tiradii ugu badneyd taariikhda inta la og-yahay weerarada cirka oo bilowday 2007-dii.

Todobada bilood ee 2020, taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qirtay 43 duqeymo, marka laga jaro hal, waana inta la qaadey mudadii u dhaxeysay 2007-17; taas oo muujineysa koror baaxad weyn oo howlgalada ku yimid.

Duqeyntii u dambeysay ee AFRICOM ka geysatay Soomaaliya ayaa dhacdey 29-kii Julaayo, waxaana gaabiska xagaagan keenay Covid-19.

Bartilmaameedka duqeymaha waa kooxaha argagixisada ah. Balse, xilliyadda qaar waxaa waxyeelo ay kasoo gaaraan rayid aan wax galabsan.

Tan iyo markii duqeynta bilaabatay, AFRICOM ayaa qiratay dilka shan qof oo shacab ah 13-kii sano ee lasoo dhaafay. Baaritaano madax-banaan waxay xaqiijinayaa in khasaaraha shacabka intaas ka badan yahay.

Amnesty International ayaa warisay dhimashadda 21 ruux oo shacab ah, iyo dhaawac 11 kale oo isugu jira caruur, haween iyo waayeel.

Airwars oo xustay in 15 rayid ah ay ku dhinteen duqeymaha sanadkan 2020 ayaa tibaaxdey in tan iyo 2007-dii ay galaafteen 72 illaa 145 rayid.

Taliska ayaa horey u qirtay in guud ahaan caalamka ay duqeymihiisa dileen 1,400 oo shacab ah, hase ahaatee, Airwars waxay tibaaxdey in waxyeeladda ay kor-u-dhaafeyso 13,135 oo badankooda ah caruur iyo haween.

Aqalka Sarre ee Mareykanka ayaa amray in magdhow la siiyo rayidka Soomaaliyeed ee dhimashada iyo dhaawac kasoo gaareen duqeymaha, hase ahaatee, sidda uu wariyey jaraa'idka THE TIME, ma jirto cid la siiyey lacag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM