Trump oo ka laabtay go'aan uu ka qaatey taageerada dowladda Soomaaliya

Image

MUQDISHO – Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in aysan wax isbeddel ah ku imaan doonin taageerada maaliyadeed ee ay ka helayso Dowladda Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada horumarinta amniga iyo arrimaha bini’aadannimada.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Igeh, ayaa sheegay in maamulka cusub ee Trump ay isla afgarteen in la sii wado kaalmooyinka Mareykanka uu horey ugu taageeray Soomaaliya.

Biixi ayaa sheegay in heshiiska cusub uu sii xoojinayo xiriirka labada dal, isagoo tilmaamay in taageerada Mareykanka ay kaalin muhiim ah ka qaadaneyso horumarinta amniga iyo kaalmada bini’aadannimo ee Soomaaliya, taasoo muhiim u ah xasilloonida iyo dhismaha dalka.

Soomaaliya ayaa horey u heli jirtay taageero maaliyadeed oo muhiim ah oo ka timaadda Mareykanka, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu taageerayo amniga iyo xalinta xaaladaha bini'aadannimo ee dalka.

Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa bixisa mushahaarka Askarta Danab, oo ah kumaandooska dowladda Soomaaliya, kuwaasoo fuliya howlgallada gaarka ah ee lagu beegsado Al-Shabaab. Ciidamo Mareykanka ah ayay la howlgalaan, oo degan Beleddoogle, oo Shabeellaha Hoose ku yaalla.

Dowladda Soomaaliya ayaa aad ugu tiirsan deeqaha dibadda oo ka dhigan 70% miisaaniyadda dalka oo sanadkii hore ahayd $1 billion.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Musuq-maasuq iyo $3.27 milyan oo maqan oo lagu eedeeyay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Warbixintu waxay sidoo kale muujisay farqi weyn oo ku saabsan dakhliga dowladda ka hesho Garoonka Caalamiga ah ee Aden Adde.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 06:35AM

Dagaal Culus oo Baydhabo ka Qarxay, Ciidamada Lafta-Gareen oo Sheegay inay Qabsadeen Magaalada

Baydhabo oo ah caasimadda Koonfur Galbeed ayaa ah magaalo muhiim u ah siyaasadda iyo amniga koonfurta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-08-2026

  • 07:07AM