Tuhun ka dhashay weerarka Al-Shabaab ee madaarka Aadan Cadde

Image
Khuburo iyo siyaasiyiin mucaarad ah ayaa su'aallo ka keenay qaabka dabley u gaartey aaggan aadka loo ilaaliyo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Tuhun ayaa ka dhashay weerarka ay maleyshiyadda Al-Shabaab Arbacada maanta ah ka fulisay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ugu yaraan lix qof oo isugu jira shacab iyo askari - si lamid ah dableyda howlgalka fulisay oo ahayd laba mitidiin ah ayaa ku nafwaayey falkan, sida ay Garowe Online u sheegeen illo dhanka caafimaadka.

Khuburo dhinaca ammaanka iyo siyaasiyiin mucaarad ah ayaa is-waydiinya qaabka ay dagaalameyaasha argagixisada ah ugu suurtagashay in ay gaaraan aaggan sida weyn loo sugo amnigeeda.

Goobta weerarka ka dhacay ayaa ku dhow hangarka lagu doorto madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhextaala xerada Xalane oo ay dagan yihiin diblumaasiyiinta dalalka shisheeye kuna yaalaa safaarado.

Dhacdadan ayaa kusoo aaday iyadda oo qiyaastii saddex bilood kahor ay laamaha ammaanka reer galbeedka ay cod dheer kaga digeen in xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay beegsan karaan Xalane.

Bilowga "howlgallo taxane ah"

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka 11aad ee la doortey iyo musharax madaxwayne, ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay soo gaareen "hanjabaado shaqsi ah".

Warsame oo aan bixin tafaasiil intaas ka baxsan ayaa hoosta ka xariiqay in weerarkii maanta uu "bilow u yahay howlgalo maalmaha soo aadan dhici kara". Ma uusan soo bandhigin caddeymo xoojinaya hadalkiisa.

"Al-Shabaab xoog kuma soo gelin gudaha, wayna cadahay in lala shaqeeyey, loona fududeeyey hawlgalka. Waxaa kaloo iyana muuqata in weerarkii maanta uu jawaab u ahaa farriintii ahayd in doorashada guddoonka Baarlamaanka lagu qabto teendhada Afisyoone," ayuu kusoo qoray ciwaankiisa gaarka ah ee mareegga Facebook-ga.

Taliska booliska Soomaaliya oo aan ka jawaabin warbixinada la xiriira in Al-Shabaab ay qorsheyneyso shirqoolo kale ayaa carabka ku adkeeyay in weerarkii maanta uusan u dhicin sidii maleyshiyada qorsheysay.

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys xasaasi ah. Doorashada xeerdejinta ayaa dhamaad ku dhow. Xulista guddoonka labada aqal ayaa isha lagu hayaa. Ammaanka waa mid kamid ah qodobada ugu mushkilada badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM