Turkiga oo ansixiyey mooshin la xiriira Soomaaliya

Image

ANKARA, Turkey – Baarlamaanka Turkiga ayaa Talaadadii wuxuu meelmariyey muddo kordhin loo sameeyo ciidamadda waddankaas ka jooga Gacanka Cad, Soomaaliya iyo Badda Carabta, sidda ay warisay saxaafada maxaliga ah.

Xildhibaanadda ayaa ansixiyey mooshinkaan oo xeerinaya in ciidamadda ay baaqi kusii ahaadaan aagagaas illaa 10-ka bisha Febraayo sanadka 2022-ka.

Tan iyo markii mudaneyaasha ay ogolaadeen mooshinkaan 2008-dii xilligaas oo ahayd waqtigii ugu horeysay, waxaa la cusbooneysiiyey 13 jeer.

Gacanka Cadan oo ku dhow Yemen iyo Marinka Bab el-Mandab, waa aaga afraad ee ugu weyn ee caalamka ayna maraan maraakiibta shidaalka ee kusii jeeda Bariga Dhexe, waxaana ahmiyad uu u leeyahay wadamadda aduunka.

Badda Carbeed iyo Soomaaliya oo ah dal ku taala Bariga Afrika ayaa dhankooda waxay marin u sii yihiin wadamadda Khaliijka iyo Marinka Bab el-Mandab.

Ciidamadda ka jooga Turkiga ayaa inta la og-yahay waxay tababaraan dhigooda Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Gorgor iyo booliska Haramcad.

Ankara ayaa gacansaar dhow waxay la leedahay maamulka madaxweyne Farmaajo ee muddo xileedkiisa dastuuriga uu dhamaad yahay isla markaana la kulmaya mucaaridid xoogan oo la doonayo waayihiisa lagu soo gabagabeeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM