Turkiga oo Ciidamo usoo diray Soomaaliya kadib codsi Xasan Sheekh u diray Erdogan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo diyaarad oo Militeri oo siday illaa 500 oo askari oo Turki ah ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho, kuwaasoo la dejiyay xerada Turk-Som, oo deegaanka Jaziira ku taalla, halkaasoo lagu tababaro Ciidamada Gorgor.

Waxay Ciidamada qeyb ka yihiin 2,500 askari oo Erdogan usoo dirayo Soomaaliya, si ay dowladda Soomaaliya uga gacan siiyaan dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, oo dhawaan la wareegtay deegaano horey looga saarey oo Aadan Yabaal ay kamid tahay.

Baarlamaanka Turkiga ayaa qorshaha Erdogan Ciidanka ugu soo dirayo Soomaaliya ansixiyay July 2024, iyadoo aan la ogeyn inay ka qeyb qaadan doonaan si toos ah dagaalka ama ay fulinya doonaan duqeymo cirka ah, si lamid ah Mareykanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bishan booqday Turkiga ayaa Erdogan kala hadlay arrimaha dagaalka iyo doorka dalalka Caalamka ka qaadanayaan, iyadoo ay sii yaraanayso rajadii laga qabey howlgalka cusub ee AUSSOM, oo Masar uu qorshaha ahaa inay askar ku biiriso.

Turkiga waa saaxiib aad ugu dhaw Soomaaliya waxaana tan iyo 2011 Ankara kawaday dalka Mashaariic iyo Maalgashi, iyadoo askar Soomaali ah tababar siisay, kuwaasoo ah Gorgor iyo Haramadcad oo ka dhex muuqda Ciidamada xoogga dalka.

Turkiga ayaa heshiisyo shidaal baaris iyo kuwa ku ilaalinayo badda Soomaaliya la galay dowladda Soomaaliya, iyadoo xiriirka labada wadan uu marayo meel wanaagsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM