Turkiga Oo Diyaaradaha Akinci ee Casriga ah usoo diraya Soomaaliya

Image

MOGADISHU, Soomaaliya — Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya soo dirto laba diyaaradood oo Akinci UCAV ah, Talaadada, 18-ka Maarso, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.

Diyaaradaha Akinci, oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn, ayaa ka awood badan kuwa TB-2 ee horey u jiray, iyagoo leh awood dagaal oo dheeri ah, hase yeeshee wali kuma guuleysan dowladda ayaan lahayn Ciidan kuwa cirka ah oo shaqeeya, ama khubaro militeri oo aqoon u leh isticmaalka drones-ka.

Ilaha xogta ayaa sheegaya in Turkigu ujeedadiisu tahay inay kor u qaadaan awoodda ciidamada Millateriga Soomaaliya (SNA) ee ka hortagga kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, isla markaana hoos u dhigaan horumarka kooxahaasi sameynayaan.

Diyaaradaha Akinci ayaa la filayaa inay gacan ka geystaan in la xakameeyo horumarka degdega ah ee kooxaha xagjirka ah, isla markaana ay taageeraan hawlgalada ka dhanka ah argagixisada.

Tani waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee khatarta ku ah nabadda dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM