Turkiga oo hakiyay taageeradii dhaqaale ee uu siin jiray dowladda Soomaaliya

Image

MUQDISHO — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in kabkii lacageed ee ay Turkiga sanad walba ku taageeri jirtay miisaaniyadda dalka uu sanadkan dib u dhacay, taasoo caqabad ku noqotay qorshayaasha dhaqaale ee dowladda.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in sanadkan aysan weli soo gaarin lacagtii taageerada ahayd ee Turkiga, oo sanadihii hore si joogto ah u ahayd qiyaastii 30 milyan oo doollar. Wasiirku wuxuu tilmaamay in sababaha dib u dhaca aysan wali si rasmi ah u caddayn, islamarkaana dowladda ay ka wada xaajoonayso sidii taageerada loo heli lahaa.

“Taageerada Turkiga ee sanadkan ayaa gaabis ku timid, laakiin wali waxaan la kaashaneynaa saaxiibada kale ee caalamiga ah si miisaaniyaddu u hesho dhaqaale ku filan,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Dowladda ayaa sheegtay in xitaa iyada oo kabka Turkiga uu dib u dhacay, ay heshay qayb ka mid ah taageerada caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, iyo dalal kale oo saaxiib la ah Soomaaliya.

Dib u dhaca kabka Turkiga ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahaysa cadaadis dhaqaale, iyadoo miisaaniyadda sanadkan ay ka badan tahay hal bilyan oo doollar, isla markaana ay hortaallo Baarlamaanka si loo ansixiyo.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in ay sii xoojinayso dadaallada lagu horumarinayo wax-soo-saarka gudaha iyo kobcinta dhaqaalaha, si looga hortago saameynta dhaqaale ee soo wajaha dalka iyo maamul-goboleedyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM