Turkiga oo hub geeyay Muqdisho xilli uu walaac amni jiro

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xilli Soomaaliya ay ku jirto xaalad cakiran, diyaarad milatari lagana leeyahay Turkiga isla markaana sidda saanad ciidan iyo gaadiid gaashaaman ayaa Isniinta maanta ah waxay kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen illo muhiim ah.

Talaabadan ayaa waxay kusoo hagaageysa xilli uu jiro walaac laga muujinayo ciidamadda Gorgor iyo Haramcad oo madaxwayne Farmaajo u adeegsanayo dano shaqsiyadeed iyo in uu ku weeraro siyaasiyiinta ka aragtida duwan.

Axadii, madaxwaynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa cod dheer wuxuu kaga digay khatar amni oo ka dhalan karta in kumaandooska sidda gaarka ah uu u tababaray Turkiga ay daacad u noqdaan Farmaajo oo wali xafiiska jooga iyaddoo muddo xileedkiisa uu dhamaadey bishii hore.

Booliska sidda gaarka ah u tababaran ee Haramcad oo Turkiga tababaray waxaa taliye u ah sarkaal kasoo goostay Al-Shabaab laguna magacaabo Farxaan Qoroole. Askartan waxay rasaas hubiyeen banaanbaxyaal nabadeed oo mucaaradka ku qabtey magaaladda caasimadda u ah Soomaaliya ee Muqdisho.

Kumaandooska Gorgor ayaa dhankooda waxay ku duuleen gobolka Gedo, talaabadaas oo horseeday colaad iyaddoo ay jirto abaar daran.

Turkiga oo ka tirsan gaashaanbuurta NATO ayaa gacansaar dhow la leh dowladda Qadar oo maalgelisay ololihii doorashadda Farmaajo ee sanadkii 2017-kii isla markaana xusul-duub ugu jirta in si walba ay kusii hayso xukunka.

Iyaddoo xukuumadda Ankara ay u muuqato mid iska indhatireysa walaaca laga muujinayo falalka ciidamadda ay tababartay, haddana wadamada kala tirsan gaashaanbuurta NATO ayaan wali si furan uga hadlin dhaqdhaqaaqa milatari ee xasilooni darada iyo burburka u horseedaya dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM