Turkiga oo iska fogeeyay eedeyn la xiriirta Soomaaliya oo loo jeediyey

Image

ANKARA, Turkey – Turkiga ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha ku saabsan in uu codsaday ciidamo Soomaali ah si uu uga qeybgeliyo ololihiisa uu ku caawinayo dowladda caalamka aqoonsan yahay ee Libya.

Mehmet Yılmaz, danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo u waramay wakaaladda wararka Anadolu Agency, ayaa rumeysan in ciidamadda waddankiisa ay ku filan yihiin dagaalka ka dhanka ah Khaliifa Xaftaar.

"Baraha bulshadda waa mid aad ugu xoog badan gudaha Soomaaliya. Waxaan wadamada aan joogno ku caawinaa danahooda. Waxaana aragnaa in tani lagu beegsanayo dedaalkaas. Eedeymahaas ma ahan run. Ma jirto wax run ah oo qayb ka ah sheegashooyinkaas," ayuu carabka ku adkeeyay.

Jawaabta Turkiga ayaa kusoo hagaageysa xilli dowladda Soomaaliya ay bilooyinkii lasoo dhaafay wajaheysay cadaadis ku aadan in ay meel ku sheegto dhalinyaro ay tababar ugu dirta dibada.

Diblumaasiga oo sii hadlaya ayaa difaacay joogitaanka ciidan iyo midka siyaasadeed ee dowladiisu ku leedahay Soomaaliya, isagoo tibaaxay in ay ahmiyad balaaran u leedahay la dagaalanka kooxaha argagixisadda.

Bixitaanka ciidamadda AMISOM ee la qorsheynayo in ay waddanka ka hayaamaan dhamaadka sanadka dambe ayuu ka dhawaajiyey in ay fursad u noqoneyso dhismaha ciidamo Soomaaliyeed oo amniga dalkooda suga.

Turkiga ayuu ku sifeeyay "waddanka ugu tayadda wanaagsan" dhamaan dowladaha kale ee caawimaadka la garab-taagan Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtay Yılmaz, Turkiga ayaa doonaya in uu tababaro saddex meelmood hal dalool oo kamid ah ciidamadda Soomaaliya.

Sikastaba ha ahaatee, Turkiga ayaa magaalada madaxda Muqdisho wuxuu ku leeyahay saldhiga milatari ee ugu baaxadda weyn meel ka baxsan dalkiisa uu ka dhistay, waxaana lagu tababaraa ciidamadda kumaandooska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM