Turkiga oo ka hadlay is-miidaamintii lagu weeraray saldhiga Turk-Som

Image

ANKARA, Turkey – Dowladda Turkiga oo qoraal rasmi ah kasoo saartay qaraxii is-miidaaminta ee saaka ka dhacay saldhigeeda Muqdisho ayaa sheegtay in ay si xooggan u cambaareyneyso ficilkaas.

Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Ankara ayaa bayaanka waxay ku shaacisay in ay murugada la wadaageyso qoysaska dadkooda ku waayey weerarkaas ay sheegatay Al-Shabaab.

"Waxaan la qeybsaneynaa murugada saaxiibaddeena iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha aan nahay, waxaan u rajeyneynaa naxariistii Allah ee kuwa naftooda ku waayey inta uu socday weerarka, waxaan tacsi u direynaa qoysaskooda," ayaa lagu yiri warka qoraalka ee wasaaradda.

Inta la xaqiijiyey saddex ruux oo laba kamid ah ay shacab ahaayeen ayaa ku geeriyooday markii naftii halige damcay in uu isku qarxiyo layli saraakiil ay toogteen ilaalada saldhiga Turk-Som.

Sidda ay sheegtay xukuumadda federaalka, naftii haligaha oo watay suunka qaraxa waxaa dhowr jeer ku amray in uu istaago ciidamada, balse markii uu ka dhaga adeegay waxaa lagu furay rasaas.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab oo qirtay in ay soo maleegeen dhacdadaas ayaa tilmaamay in ay beegsadeen bar ay ku sugnaayeen ciidamo loo diyaarinayey tababar oo ku sugnaa banaanka xerada.

Illo wareedyo kala duwan ayaa u sheegay Garowe Online in bartilmaameedka weerarka uu ahaa arday jaamacadeed oo dooneysay in ay iska diiwaan-geliso Turk-Som oo saf ku jirtay.

Turk-Som waa akadeemiyad lagu tababaro ciidamada Soomaaliya oo dowladda Turkiga ay ka hirgelisay degmadda Wadajir gaar ahaan nawaaxiga xarunta Xalane, waxaana la furay September, 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Maraykanku Wuxuu Joojinayaa Duqeymaha Xuutiyiinta Kadib Markii Heshiis La Gaaray

Ciidamada Israel ayaa Talaadadii weerar cirka ah ka fuliyay garoonka diyaaradaha caalamiga…

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 04:56PM

Shir Ka Furmay Muqdisho Iyadoo aanay Ka Qaybgelin Puntland iyo Jubbaland

Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo muhiim ah sida amniga qaranka, horumarka dhaqaale, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 02:36PM