Turkiga oo ka hadlay is-miidaamintii lagu weeraray saldhiga Turk-Som

Image

ANKARA, Turkey – Dowladda Turkiga oo qoraal rasmi ah kasoo saartay qaraxii is-miidaaminta ee saaka ka dhacay saldhigeeda Muqdisho ayaa sheegtay in ay si xooggan u cambaareyneyso ficilkaas.

Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Ankara ayaa bayaanka waxay ku shaacisay in ay murugada la wadaageyso qoysaska dadkooda ku waayey weerarkaas ay sheegatay Al-Shabaab.

"Waxaan la qeybsaneynaa murugada saaxiibaddeena iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha aan nahay, waxaan u rajeyneynaa naxariistii Allah ee kuwa naftooda ku waayey inta uu socday weerarka, waxaan tacsi u direynaa qoysaskooda," ayaa lagu yiri warka qoraalka ee wasaaradda.

Inta la xaqiijiyey saddex ruux oo laba kamid ah ay shacab ahaayeen ayaa ku geeriyooday markii naftii halige damcay in uu isku qarxiyo layli saraakiil ay toogteen ilaalada saldhiga Turk-Som.

Sidda ay sheegtay xukuumadda federaalka, naftii haligaha oo watay suunka qaraxa waxaa dhowr jeer ku amray in uu istaago ciidamada, balse markii uu ka dhaga adeegay waxaa lagu furay rasaas.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab oo qirtay in ay soo maleegeen dhacdadaas ayaa tilmaamay in ay beegsadeen bar ay ku sugnaayeen ciidamo loo diyaarinayey tababar oo ku sugnaa banaanka xerada.

Illo wareedyo kala duwan ayaa u sheegay Garowe Online in bartilmaameedka weerarka uu ahaa arday jaamacadeed oo dooneysay in ay iska diiwaan-geliso Turk-Som oo saf ku jirtay.

Turk-Som waa akadeemiyad lagu tababaro ciidamada Soomaaliya oo dowladda Turkiga ay ka hirgelisay degmadda Wadajir gaar ahaan nawaaxiga xarunta Xalane, waxaana la furay September, 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM