Turkiga oo la wareegay hogaanka talis saameynaya biyaha Soomaaliya

Image

ANKARA, Turkey – Turkiga ayaa wuxuu rasmi ah u hogaamin doonaa taliska wadajirka ah ee burcad-badeeda kula dagaalamaya Gacanka Cadan iyo hareeraha xeebaha Soomaaliya ee Badweynta Hindiya.

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa Sabtidii waxay war qoraal ku sheegtay in isbedelka hogaanka oo soo bilowday 25-kii June ee sanadkan 2020 uu dhamaanayo bisha December 10-keeda.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka kooban yahay ciidamo ka kala socda wadamada; Mareykanka, Brazil, Baxreyn, Britain, Japan, Kuuriyadda Koonfureed, Kuwait, Pakistan, Cumaan iyo Turkiga oo September u diray markab dagaal.

Ciidamadda Badda Turkiga ayaa tan iyo bishii Febraayo sanadkii 2009-kii ka qeyb-qaadanaya ololaha wadajirka ah ee lagu baacsanayo shufta-badeeda gobolka, waxaana uu hogaan u noqdey shan jeer.

Howlgalkaan oo la aas-aasay Febraayo 2002-dii ayaa ujeedkiisu yahay la dagaalanka argagixisada badda ee Bariga Dhexe, Afrika iyo Koonfur Aasiya, sidda ku xusan heshiis ay kala saxiixdeen dalalka.

Gaashaanbuurtan ayaa ka howlgala Badda Cas, Gacanta Carabta, Gacanka Cadan, Badda Carabta iyo Badweynta Hindiya.

Biyaha Soomaaliya waa mid kamid ah kuwa ugu balaaran oo ay ka dhacaan kalluumeysiga sharci daradda ah, arrintaas oo caqabad ku noqotay wax-soosaarka maxaliga ah iyo maraakiibta klae ee caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM