Turkiga oo Lagu Eedeeyay Inuu Meel uga Dhacay Diblumaasiyadda Soomaaliya
Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda Turkiga ayaa wajahaysa eedeyn xooggan oo ku saabsan jebinta xeerarka diblumaasiyadda, kadib kulan dhawaan dhexmaray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya, taas oo mucaaradku ku tilmaameen “ku xadgudub madaxbannaanida Soomaaliya.”
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ku eedeeyay Turkiga inuu ka meermeeray la kulanka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, halkii ay ahayd, isagoo taa beddelkeeda Madaxweyne Erdoğan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ay si gaar ah ula kulmeen Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Cirka, Cabdulkadir Maxamed Nuur.
Qoraal uu bartiisa bulshada soo dhigay, Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu ku sheegay in kulankaasi uu ahaa mid jebinaya xeerarka diblumaasiyadda, isla markaana xadgudub ku ah madax-bannaanida dalka, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac – Ankara iyo Muqdisho – inay arrintan si degdeg ah u saxaan.
Cabdulkadir Maxamed Nuur, oo si weyn loogu tuhunsan yahay inuu yahay qof si gaar ah ula saaxiib ah Turkiga, lana rumeysan yahay inuu matalo dano hoose oo dalkaas ah, ayaa lagu eedeeyay inuu ku leeyahay saameyn aan rasmi ahayn oo ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.
“Haddii aan jirin awood wax ka qaban karta jebinta madaxbannaanideenna iyo xeerarka, si ceeb kale looga fogaado, waxaa habboon in isaga [Cabdulkadir] laga dhigo Wasiirka Arrimaha Dibadda,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan.
Cabdulkadir Maxamed Nuur oo si cad uga jawaabay eedeymahaasi, balse aan beenin in wax khaldan ay ka dhaceen xagga hab-maamuuska, ayaa baraha bulshada ku aflagaadeeyay Xildhibaanka, isagoo ku tilmaamay "digaag aan wax dhalin" — eray si weyn dhaleeceyn uga dhalisay bulshada Soomaaliyeed ee baraha bulshada ku falanqeysay.
Inkasta oo Turkiga uu yahay saaxiib muhiim ah oo dhanka amniga iyo horumarinta ah oo Soomaaliya leedahay, hadana si joogto ah ayaa loogu eedeeyaa inuu heshiisyo hoose oo aan la ogayn la galayo Dowladda Federaalka ah, iyadoo laga fogeeyo daneeyeyaasha kale ee siyaasadda. Arrimaha shidaalka Soomaaliya, gaar ahaan, ayaa lagu tilmaamaa halka ugu xasaasisan ee murankaasi ka dhashay.
Wasiirka Dekedaha, Cabdulkadir Maxamed Nuur, ayaa wax ku soo bartay dalka Turkiga, isagoo ku qaatay deeq waxbarasho jaamacadeed ah. Waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay shaqsi ay Turkigu soo tarbiyeeyeen, islamarkaana si hoose ugu metala Ankara gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
GAROWE ONLINE