Turkiga oo lagu weeraray talaabo uu ka fuliyey gudaha Soomaaliya

Image

ISTANBUL, Turkey – Turkiga ayaa wuxuu bartilmaameed u noqdey qaar kamid ah dowladaha Carabta ee kasoo horjeeda mashruuciisa balaarinta quwadiisa iyo joogitaankiisa ciidan ee wadamada kasoo baxaya colaadaha sokeeye.

Xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Recep Tayib Erdogan ayaa isku dayeysa in ay dib u soo celiso saameyntii dalkaas ku lahaa dibada.

Ololahaan cusub ee ka dhanka ah Turkida wuxuu xoogeystay markii uu si furan u naqdiyey xiriirka qaar kamid ah dowladaha Carabta la yeesheen Yahuuda talaabadaas oo uu ku qeexay "khiyaano baaxad weyn".

Warbaahinta ku hadasha afka boqortooyadda Jordan ayaa weerarka ay ku qaadey Turkiga waxay u adeegsatay Soomaaliya gaar ahaan saldhiga Ankara ka dhisatay dalka dhaca geeska Afrika oo ay "sharci daro" ku qeexdey.

"Ciidamadda Turkida iyo maleeyshiyaadka ay Ankara taageerto waxay joogaan saddex dal oo Carbeed; Libya Suuriya iyo Ciraaq. Tani waa xaqiiqada juquraafi-siyaasadeedka dunida Carabta iyo caalamka tahay in uu ka falceliyo," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah faalo lagu daabacay The Jordan Times.

Qormadda oo ka koobneyd dhowr safxado ayaa waxaa lasii raaciyey: "Xaqiiqadii, hadafka dhuleed, midka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee wadamadaan iyo hareerahooda waxaa xayeysiiyey hogaamiyeyasha sare ee Turkida oo uu kamid yahay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan"

"Turkiga wuxuu haatan saldhigyo milatari ku leeyahay Qadar, Libya, Soomaaliya, waqoyga Qubrus, Suuriya iyo Ciraaq; dhamaantooda ma haystaan ogolaanshiyo dowlado sharci ah," ayaa lagu soo gabagabeeyay warkaas.

Xerada ay xukuumadda Ankara ku leedahay duleedka caasimada Muqdisho ayaa lagu tababaraa ciidamadda kumaandooska ee ka qeybgalaya la dirirka Al-Shabaab, waana saldhiga ugu weyn ee Turkiga ku leeyahay meel ka baxsan dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM