Turkiga oo lagu weeraray talaabo uu ka fuliyey gudaha Soomaaliya

Image

ISTANBUL, Turkey – Turkiga ayaa wuxuu bartilmaameed u noqdey qaar kamid ah dowladaha Carabta ee kasoo horjeeda mashruuciisa balaarinta quwadiisa iyo joogitaankiisa ciidan ee wadamada kasoo baxaya colaadaha sokeeye.

Xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Recep Tayib Erdogan ayaa isku dayeysa in ay dib u soo celiso saameyntii dalkaas ku lahaa dibada.

Ololahaan cusub ee ka dhanka ah Turkida wuxuu xoogeystay markii uu si furan u naqdiyey xiriirka qaar kamid ah dowladaha Carabta la yeesheen Yahuuda talaabadaas oo uu ku qeexay "khiyaano baaxad weyn".

Warbaahinta ku hadasha afka boqortooyadda Jordan ayaa weerarka ay ku qaadey Turkiga waxay u adeegsatay Soomaaliya gaar ahaan saldhiga Ankara ka dhisatay dalka dhaca geeska Afrika oo ay "sharci daro" ku qeexdey.

"Ciidamadda Turkida iyo maleeyshiyaadka ay Ankara taageerto waxay joogaan saddex dal oo Carbeed; Libya Suuriya iyo Ciraaq. Tani waa xaqiiqada juquraafi-siyaasadeedka dunida Carabta iyo caalamka tahay in uu ka falceliyo," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah faalo lagu daabacay The Jordan Times.

Qormadda oo ka koobneyd dhowr safxado ayaa waxaa lasii raaciyey: "Xaqiiqadii, hadafka dhuleed, midka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee wadamadaan iyo hareerahooda waxaa xayeysiiyey hogaamiyeyasha sare ee Turkida oo uu kamid yahay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan"

"Turkiga wuxuu haatan saldhigyo milatari ku leeyahay Qadar, Libya, Soomaaliya, waqoyga Qubrus, Suuriya iyo Ciraaq; dhamaantooda ma haystaan ogolaanshiyo dowlado sharci ah," ayaa lagu soo gabagabeeyay warkaas.

Xerada ay xukuumadda Ankara ku leedahay duleedka caasimada Muqdisho ayaa lagu tababaraa ciidamadda kumaandooska ee ka qeybgalaya la dirirka Al-Shabaab, waana saldhiga ugu weyn ee Turkiga ku leeyahay meel ka baxsan dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM