Turkiga oo qabtay in ka badan boqol muhaajiriin ay Soomaali ku jiraan

Image

ANKARA, Turkey – Ciidamada ilaalada xeebaha Turkiga ayaa Isniintii waxay meel ka baxsan xeebta Mediterranean ku qabteen ugu yaraan 165 soo galooti sharci darro ah kuwaasoo ay ku jiraan tobanaan Soomaali ah.

Wakaalada wararka Anadolu ayaa warisay in muhaajiriinta ay kasoo kala jeedaan Soomaaliya iyo Afghanistan ayna kusii jeedeen Yurub. Degmada Kumluca ee gobolka Antalya ayay xustay lagu xiray.

Wararka qaar ayaa tirada muhaajiriinta gaarsiinaya 190 isla markaana ay damacsanaayeen in ay galaan wadanka Gariiga. Warbixinada waxay tibaaxayaan in la qabtay markii ay ka cilowdey doontii.

Mareega Sonhaber.com ayaa intaas ku daraya in soo galootigaan ay kasoo kala jeedaan Afghanistan, Pakistan, iyo Iiraan.

Tan iyo bilowgii sanadkan, tiro dhan 15,535 oo qaxooti ah ayaa isku dayey in ay galaan Yurub, iyagoo u maraya Turkiga. Xagaagii hore 2019 tirada isku daygaas sameysay waxay gaareysay 29,279.

Macluumaadkaan uu faafiyey Taliska Ciidamada Ilaalada Xeebaha Turkiga ayaa muujinaya in qulqulka qaxootiga uu xawli yahay.

Turkiga oo martigeliyey ku dhowaad 4 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah ayaa horey u sheegay in uusan gabaad-siin doonin qaxooti kale, isagoo dalalka Yurub ku tartarsiiyey in ay qaataan mas'uuliyad balaaran.

Midowga Yurub iyo Turkiga ayaa Maaj, 2016 waxay ku heshiiyeen in ay joojiyaan qulqulka qaxootiga sharci darada ah. Balse, waxaa muuqaneysa in uusan heshiiskaas dhaqan-gelin, taasoo xukuumada Ankara ka careysiisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM