Turkiga oo shaaciyey cadadka lacag uu bil walba siiyo DF Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horeysay waxay si rasmi ah ugu dhawaaqdey cadadka lacag ay bil walba siiso Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Mehmet Yilmaz, danjiraha Turkiga u fadhiya Muqdisho oo wareysi gaar ah siiyey laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, ayaa banaanka soo dhigay in lacagtaas ay gaareyso 2.5 milyan oo Doolar.

Diblumaasiga ayaa ku nuux-nuux saday in lacagtaas ay ku kabaan Miisaaniyadda dowladda si loogu socod-siiyo shaqooyinka.

"Waxaan rajeynaynaa in aan bixi doono 2020," ayuu raaciyey, isaga oo u muuqda mid xaqiijinaya in aysan wali bixin lacagta sanadkan afartiisii bilood ee u horeysay aynu ku guda jirno.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirka maaliyadda Soomaaliya, ayaa horey u xusay in lacagtaas ay si toos ah ugu soo dhacdo Bangiga Dhexe ee dalka isla markaana ay dowladu maamusho.

Ankara ayaa sanadihii lasoo dhaafay maalgashi balaaran waxay ku sameysay Gudaha Soomaaliya. Shirkado laga leeyahay dalkaas ayaa maamula garoonka diyaaradaha iyo dekada Muqdisho.

Muqdisho ayay ka dhisatay safaaradda ugu balaaran oo ay ku leedahay guud ahaan caalamka, si lamid ah, saldhig ciidan oo lagu tilmaamay mid ugu baaxadda weyn oo ay ku leedahay dibadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM