Turkiga oo soo afjaray wadahadal uu kula jiray dalal ay ku jirto Soomaaliya

Image

ANKARA, Turkey – Turkiga ayaa soo xiray wadahadalo la xiriira dib-u-bilaabada duulimaadyada oo uu kula jiray 91 dal oo ay Soomaaliya kamid tahay, sidda uu sheegay Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha dhaqaalaha.

Adil Karaismailoğlu oo bayaan soo saarey Jimcadii ayaa shaaciyey in xukuumada Ankara ay sii wadi doonto duulimaadyada jadwalka leh iyo kuwa aan waqtiga lahayn ee 48 dal oo Soomaaliya ay safka hore kaga jirto.

Wadamadaas ayaa kala ah; Albania, Algeria, Austria, Azerbaijan, Bangladesh, Belarus, Belgium, Benin, Bosnia-Herzegovina, Bulgaria, Canada, China, Croatia, Denmark, Egypt, France, Djibouti, Germany, Greece, Hong Kong, Indonesia, Ireland, Israel, Italy, Ivory Coast, Jordan, Kosovo, Kuwait, Lebanon, Libya, Luxembourg, Mauritania, Moldova, Morocco, North Macedonia, Poland, Qatar, Russia, Senegal, Serbia, Somalia, Sweden, Switzerland, the Netherlands, the U.K., the U.S., the Turkish Republic of Northern Cyprus (TRNC) iyo Ukraine.

Turkish Airlines oo kamid ah diyaaradaha caalamiga ah ee duulimaadyadda ka sameeyay garoonka Aadan Cabdullaahi Cismaan [Aadan Cadde] ayaa horey ugu hakisay sabab la xiriirta safmareenka dunida kala xiray.

Xukuumadda federaalka ah ayaa dhowaan ku dhawaaqdey in ay furtay duulimaadyadda caalamiga ah isla markaana ay qiimeyn doonto hadba sidda ay isku bedesho xaaladaha Covid-19 ee dunida aafeysay.

Iyaddoo geerida wali ku taagan tahay 93, soo kabashaduna tahay 1,599, kiisaska Covid-19 ee Soomaaliya laga xaqiijiyey waa 3,221 xaalado.

Turkiga ayaa dhankiisa wuxuu soo wariyey 245,635, waxaana ka caafimaadey 228,057, halka dhimashadda ay cagacageneyso 5,912.

Guud ahaan caalamka, fayruskaan kasoo bilowday Shiinaha ayaa dilay 760,000, halka in ka badan 20 milyan uu ka dhacay. Mareykanka, Brazil, Hindiya iyo Ruushka waa wadamada uu faafitaanka xoogan uu ka geystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM