Turkiga oo xero ciidan ku wareejiyay DF Soomaaliya

Image

ANKARA, Turkey – Turkiga ayaa Sabtidii xero milateri ku wareejiyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah.

"Iyadoo qayb ka ah dib-u-habeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, xerooyinka Waqooyiga - xeradda 1-aad ee saldhigyadii uu Turkigu ka dhisay Muqdisho waxaa lagu wareejiyay mas'uuliyiinta [Soomaaliya]," ayaa lagu daabacay bogga Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Turkiga.

Xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya waa mid taariikhiyan adag, wuxuuna kor u kacay kadib booqashadii rasmiga ahayd ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan sanadkii 2011, taasoo ka dhigtay in uu noqdo hoggaamiyaha kaliya ee aan Afrikaan ahayn ee booqda Soomaaliya muddo 20 sano ah.

Iskaashiga militariga ka sokow, labada dal waxay sidoo kale iska kaashadaan caafimaadka, waxbarashada, iyo dadaallada kale.

Turkiga wuxuu dhisay iskuulo, isbitaalo iyo kaabayaasha dhaqaalaha, wuxuu kaloo soomaalida siiyay deeqo waxbarasho oo ay wax ku bartaan dalka Turkiga.

Ankara ayaa u tababartay Soomaaliya in ka badan shan kun askari, waxaana qorshuhu yahay in ay gaarsiiso illaa iyo 15-kun askar kumaandoos.

Ciidamadaas ayaa haatan wajahaya eedeymo ku saabsan in ay ku milmeen is-qabqabsiga siyaasadda lana safteen xukuumadda waqtiga ka dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM