Turkiga oo xoojinaya xiriirka dal la dirira shufta badeeda Soomaaliya

Image
Qodobada ay isla meel-dhigeen waxaa kamid ah in ay iska taageeraan fagaarayaasha caalamiga ah.

ANKARA, Turkey - Turkiga iyo Seychelles waxay wadaagaan "xiriir wanaagsan" oo laba geesood ah waxayna iska taageeraan fagaarayaasha caalamiga ah, sida uu sheegay diblomaasiga ugu sarreeya jasiiradda Badweynta Hindiya Sylvestre Radegonde.

"Xiriirka Turkiga iyo Seychelles waa mid aad u wanaagsan, tan iyo markii la aasaasay xiriirka diblumaasiyadeed, waxaan si diblumaasiyadeed isku taageernay mowqifka aan ka leenahay dhowr gole oo caalami ah," ayuu Radegonde u sheegay Anadolu Agency (AA).

Wuxuu raaciyey: "Turkiga waanu taageernaa musharaxnimadiisa dhowr hay’adood oo caalami ah, laakiin Turkigu wuxuu sidoo kale ka taageeray Seychelles horumarkeeda dhinacyo badan".

Sidoo kale, Turkiga waxa uu Seychelles ka taageeri jiray dhanka ammaanka badda, markii dalkaasi "uu dagaal kula jiray burcad badeedda xeebaha Soomaaliya," ayuu raaciyey Radegonde, oo sidoo kale safiir ka soo noqday Turkiga, isagoo intaa ku daray inay taageerada Turkiga ka heleen ciidamada NATO.

Isagoo ka jawaabayay su'aal la xiriirtay suurtagalnimada in safaarad ay ka furtaan Turkiga, wuxuu sheegay in xaaladda dhaqaale ay "xayirtay" in dalku uu ballaariyo wakiilkiisa diblomaasiyadeed xilligan.

Seychelles ayaa kaliya 12 safaaradood wuxuu ku lahaa qaar kamid ah wadamadda caalamka balse hadda wuxuu waqti xaadirkan ku leeyahay kaliya sagaal safaaradood sababo ku aadan dhibaatooyinka dhaqaale ee jira.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu, ayaa la filayaa in uu waddankan booqdo dhowaan, sida uu sheegay Radegonde, kaasoo ay si shaqsi ah ugu kulmaan Ankara dhowaan isaga oo kamid ah martidda madasha diblumaasiyadda ee Antalaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM