Tusaalooyin muujinaya in Al-Shabaab ay DF "kaga gacan-sareyso" Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Inkasta oo madaxweyne Farmaajo isku dayo in uu dhaxal fiican ka tago hadii doorashada soo aadan ku fashilmo, haddana waxaa jirta dhibaatooyin uu xal u heli karin mudada haatan xafiiska u hartey.

Ammaanka iyo qaabka baaxada leh ee Al-Shabaab ugu dhex-milantay hay'addaha ammaanka iyo nidaamka maaliyadda dalka waa dhibta ugu weyn.

Guddiga la socodka arrimaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa warbixintii ay dhowaan u gudbiyeen Golaha Ammaanka waxay ku sheegeen in xulafada Al-Qaacida ay malaayiin ka sameynayaan maalgashiga Muqdisho.

Borofeesar Cabdi Ismaaciil Samatar oo barre ka ah Jaamacada Minnesota ee wadanka Mareykanka ayaa daaha ka rogay in tusaalooyin muujinaya in maleyshiyada hubeysan ay caasimada kaga gacan sareyso dowlada.

"Al-Shabaab kaliya maahan urur argagixiso, alse waxay maamul si wax ku ool ah u shaqeeya ku dhex-sameysteen kaasoo shaqada sidda ay tahay ugu fuliya," ayuu ku sheegay maqaal uu ku daabacay bogga Turkish Radio and Television.

Tusaalooyinkan falanqeeyaha ayaa ku saabsan dhacdooyin uu sheegay in dad uu garanayo ay Al-Shabaab kala kulmeen iyagoo Muqdisho ku dhaqan.
"Ugu horeyn, qof saaxiibkey ah ayaa guri wuxuu bartamaha Muqdisho uga iibiyey hooyadii oo da' ah. Al-Shabaab waxay hooyada ku war-gelisay qiimaha ay ku gateen hoyga, iyo canshuurta laga doonayo in ay bixiyaan. Iyadoo naxday, hooyadii waxay u sheegtay wiilkeeda. Wiilkii wuxuu u cawday saaxiibadii dowladda ka tirsan, balse waxay u sheegeen in aysan ahayn badbaado aan ka ahayn in uu bixiyo lacagta. Isagoo ka baqaya in laga burburiyo hoyga ama la waxyeeleeyo hooyadiis, wiilka wuxuu dhiibay "canshuurta," ayuu yiri.

Sidda ay muujiyeen warbixino kala duwan, sirdoonk Al-Shabaab ayaa ka howlgala caasimada. Madaxda Dekada Muqdisho iyo mukiileyaasha way cabsi-geliyaan si ay uga helaan macluumaadka ay uga baahan yihiin si ay lacag uga helaan.

"Taliska Muqdisho wuu ka war qabaa lacagta baada ah [ee ay Al-Shabaab qaadaneyso] balse wuxuu ku fashilmay in uu la tacaalo," ayuu ku daray.

Xilli maxkamadaha dowladda uu ku qeexay "kuwa musuqmaasuq ah," Mr Satamar ayaa tibaaxay in Al-Shabaab ay saameyn kale ku leedahay nidaamka cadaalada ayna farto dadka Muqdisho jooga in ay degaanadooda ugu yimaadaan.

"Qofka wuxuu haystaa laba xulasho oo kala ah in uu dibadda u baxsado ama in uu u tago si go’aanka 'maxkamadeed' iyo fulinta isla socota u qaato," ayuu yiri, isagoo wariyey in badi dadka "adheecaan amarka" wallow uusan caddeyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM

Lugatoor: Beesha caalamka hal dollar kuma bixin dagaalka Puntland kula jirto ISIS

Waxa uu sidoo kale ammaanay kaalinta Soomaalida qurbaha, kuwaasoo uu sheegay inay bixiyeen malaayiin dollar si ay u taageeraan dagaalka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 01:46PM