Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ku geeriyoday Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa habeenimadii Talaadada wuxuu ku geeriyooda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen qoyskiisa.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya geerida marxuumka. Fahfaahinada qaar waxay xusayaan in uu u geeriyooday Coronavirus, halka kuwa kale ay tibaaxayaan in uu u dhintay xanuunka dhanka wadnaha ah.

Madaxwaynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo mas'uuliyiin ay kamid yihiin musharaxiin madaxwayne ayaa ka tacsiyeeyey geeridda marxuumka oo la filayo in maalinta berri ah la aaso.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo caawa uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble," ayay Villa Soomaaliya tiri.

Qoraalka ayaa lagu daray: "Madaxweynaha ayaa xusay in Ugaasku uu ahaa hurmuud dhaqan oo lagu soo hiran jiray, door muuqdana ka soo qaatay dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, adkeynta wadajirka iyo dadaalladii dib u dhiska dowladnimada".

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Ugaasku waxa uu astaan u ahaa saldanad dhaqan oo facweyn oo kaalin muhiim ah kaga jirtay wada noolaashaha bulshada Gobolka Hiiraan iyo guud ahaan dalka," ayuu Farmaajo xusay.

Bayaanka Villa Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday".

Marxuum Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay wuxuu ku sugnaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho isaga oo Dowladda Farmaajo ku taageeray doorashada hogaanka cusub ee HirShabelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM