Uganda oo taliye cusub u magacowday ciidamadooda Somalia

Image

17 September, 2015(GO)-Dowladda Uganda ayaa Col. Peter Emola u soo magacowday taliyaha guud ciidamada Ugand ee ku sugan Somalia, kuwaasi oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika.

Emola ayaa hoggaamin doona ciidamada Uganda ee Somalia, kaasoo bedeli doona Col. Bosco Mutambi oo ahaa taliyaha ciidamada Uganda qaybta 16-aad ee lagu weeraray 01-dii Sep, 2015 deegaanka Jannaale.

Col. Peter Emola ayaa horay uga shaqeyay Somalia isagoo hor-kacayay Qaybta 9-aad ciidamada Uganda intii u dhaxeysay 2012-ki illaa 2013-kii.

Badalka taliyihii hore ayaa la aaminsanyahay inuu salka ku hayo weerarka Jannaale, waxaana Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni sheegay in la maxkamadayn doono taliyaashii halka weerarku ka dhacay, maadama aysan gudan shaqadii loo igmaday.

Dalka Uganda yaa Somalia waxaa ka jooga ciidamada ugu badan ee qaybta ka ah kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, waxaan dhawaan weerar ka dhacay deegaanka Jannaale lagu dillay 50 askari, halka qaar kalana ururka Al-shabaab sheegeen inay u haystaan Maxaabiis.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM