UK iyo Maraykanka oo Ka Digay Jabsi Ka Dhacay Nidaamka E-Visa-ha Soomaaliya

Image

LONDON - Ingiriiska ayaa ka digtay jabsi ku dhacay nidaamka cusub ee e-visa-ha Soomaaliya, ayada oo digniintan ay ka dambeyso mid uu Maraykanku soo saaray maalmo ka hor. Labada dal waxay sheegeen inay hayaan xog muujinaysa in jabsigu saamayn ku yeeshay ugu yaraan 35,000 qof oo codsaday e-visa Soomaaliya.

Digniinta ayaa lagu sheegay in xog ay ka mid yihiin magacyada, sawirrada, taariikhaha dhalashada, cinwaanada, iyo email-ka dadka codsaday ay u suurta gashay in la soo xado. Dowladda Maraykanka ayaa ku talisay in qof kasta oo e-visa codsaday uu saameyn karo jabsigan, inkastoo aysan xaqiijin karin xogta si gaar ah u jabsatay.

Warbaahinta gobolka ayaa ku warrantay in koox isku magacowday “Operation Birjeex 2025” ay sheegatay mas’uuliyadda weerarka, kuna tilmaantay ficil ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya. Hay’adda Socdaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin faahfaahinta jabsiga ama tallaabooyinka la qaadayo.

Falanqeeyaha siyaasadda Cabdullaahi Mataan ayaa sheegay in dhacdadan ay ceeb weyn ku tahay dowladda, maadaama nidaamka e-visa-ha la bilaabay laba bilood oo keliya ka hor. Wuxuu sidoo kale sheegay in ay macquul tahay in xogta gudaha laga soo xaday, maadaama bogga rasmiga ah uu weli si caadi ah u shaqaynayo.

Dhacdadan jabsiga ah ayaa kusoo beegmaysa xilli uu socdo muran adag oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, gaar ahaan maamulka hawada iyo nidaamka socdaalka. Somaliland ayaa diidday nidaamka e-visa-ha ee dowladda federaalka, halka labada dhinac ay soo saareen amarro iska hor imanaya oo saameeyay shirkadaha diyaaradaha.

Nidaamka e-visa-ha oo loogu talagalay casriyeynta xuduudaha dalka ayaa hadda noqday mid fure u ah xiisado siyaasadeed iyo walaac amni oo sii xoogeysanaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM