UK oo baaq cusub u dirtay hogaamiyeyaasha Soomaalida

Image

MUQDISHOO, Soomaaliya – Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhaweysay shirarka madaxda maamulada Soomaaliya uga socda caasimadda Muqdisho kuwaasoo ay xal kama dambeys ah ugu goobayaan is-mari-waaga doorashooyinka qaranka.

Madaxwayneyaasha maamulada ayaa tan iyo todobaadkii hore waxay ku shirsan yihiin Muqdisho, iyagoo si horudhac ah isugu afgartay shir loo balansan yahay kaasoo diirada lagu saarayo ajandaha wadahadaladda loo-dhan-yahay.

Kate Foster, ergayga boqortooyadda Britain u fadhisa magaala madaxda Muqdisho, ayaa Isniinta maanta ah waxay ku boorisay hogaamiyeyaasha Soomaalida in ay sii wadaan wadaxaajoodyadda si loo helo xal ku yimaada si wada-ogol ah.

Qoraal ay ku daabacdey ciwaankeeda gaarka ah ee Twitter-ka ayay ku taageertay in shirka soo socda uu noqdo mid ka qeybgalkiisu loo-dhan-yahay.

"Waxaan soo dhaweynayaa dedaaladda ay waddaan hogaamiyeyaasha dowladaha xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya si ay u helaan xal wadjir ah loona qabto doorashooyinka. Waxaan ku dhiiragelineynaa dhamaan dhinacyada in ay goobaan horusocodka shirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo geedi-socod doorashooyin oo ku saleysan habkii 17-kii September," ayay ka dhawaajisay.

Dhawaqa Kate ayaa kusoo hagaagay saacado kadib markii ay kala qeybgashay wakiiladda Beesha Caalamka shir ay Hotel Airport ee Muqdisho kula yeesheen madaxwayneyaasha shanta maamul goboleed ee haatan ka jira waddanka Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa xusul-duub ugu jirta in ka miradhaliso casuumaadeeda madaxwayneyaasha Puntland iyo Jubaland isla markaana ay miiska wadahadalka isugu keenay madaxda Soomaalida si xaalka cakiran ee coddeynta loosoo afjaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM