UK oo caddeysay mowqifkeeda "masiirka" Somaliland

Image
Tani ayaa imaanaysa xilli baarlamaanka dalkaas uu bilaabay ka doodida "aqoonsiga" maamulka Hargeysa.

LONDON, Britain - Boqortooyadda Midowday ee UK ayaa si rasmi ah waxay shaaca uga dhigtey mowqifkeeda ku aadan halka ay ka taagan tahay aqoonsiGga ama gooni-isu-taaga Somaliland.

Dhawaqan ayaa kusoo hagaagaya xilli uu baarlamaanka dalkaas maanta billaabay dood ku saabsan aqoonsiga maamulka xaruntiisu tahay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.

Victoria Grace Ford, Wasiirka Arrimaha Afrika ee dowladda UK, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaas ayaa Twitterka ku qortey "in mowqifka dowladeeda uusan wali isbedelin".

Sida laga soo xigtey Ford, dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayay tahay in ay go'aan wadajir ah ka gaaraan qadiyaddan soo taagan tan iyo sanadkii 1991-dii.

"Doodda Aqalka Baarlamaanka waxay hoosta ka xariiqeysaa mowqifka aan is baddalin ee ay dowladda UK ka taagan tahay arrinta Somaliland," ayay ku bilowdey qoraalkeeda.

Ford oo maanta telefoonka kula hadashay wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya ayaa raacisay: "Waa howl u taalla Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay go'aan ka gaaraan mustaqbalkooda".

Waan sii wadi doonnaa inaan arrimaha dimuqraadiyadda, amniga iyo horumarka kala shaqeyno dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Somaliland," ayay hadalkeeda kusoo gabagabeysay.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa shaacisay in Ford iyo Cabdisaciid Cali Muuse ay kawada xaajoodeen "ixitaamka midnimadda, qaranimadda iyo madax-banaanida labadda dal".

GAROWE ONLINE

Related Articles

NISA oo FBI-da Mareykanka u gacan gelisay Muwaadin Soomaali ah

Tan iyo sanadkii 2022-kii, Eidleh wuxuu ka baxsaday caddaaladda Mareykanka, isagoo ku dhuumanayay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 07:34AM

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM