UN, EU iyo USA oo soo dhoweeyey ansixinta Ra'isal Wasaaraha

Image

December 25, 2014 (GO)- Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweysey go'aankii xildhibaannada Barlamanka Dowlada Federaalku shalay codka kalsoonida ku siiyeen Ra'isal Wasaaraha dhowaanta lasoo magacaabay ee Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ku tilmaamay tallaabadaas mid soo dhoweyn mudan islamarkaana ay tahay in la dhiiri geliyo isagoo ugu baaqay Madaxweynaha, Ra'isal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Barlamanka inay si dhow u wada shaqeeyaan kana fogaadaan wax kasta oo khilaaaf horseedi kara.

Ban Ki-Moon ayaa dhanka kale ammaanay Ra'isal Wasaarihii hore Cabdiweli Sheekh Axmed isagoo sheegay in xukuumaddii hormuudka ka ahaa waxqabad fiican ku tallaabsatey kuna guuleysatey inay wax badan ka qabato xoojinta ammaanka iyo dhismaha dowladnimada.

Dowlada Maraykanka oo iyaduna soo dhoweysey ansixinta Cumar Cabdirashiid ayaa ku baaqday in labada sano ee waqtiga ka dhiman xoogga la saaro sidii loo dhameystiri lahaa hawlaha dhiman gaar ahaan dhismaha ciidamada, dib u eegista dastuurka iyo dib u habeynta hay'adaha sharciga iyo maaliyadda.

Sidoo kale ururka ay ku mideysan yihiin dalalka reer Yurub ee EU ayaa soo dhoweeyey ansixinta Ra'isal wasaaraha. Midowga Yurub wuxuu ku baaqay in lasoo dhiso xukuumad loo dhan yahay taasoo hanan karta kalsoonida shacabka.

December 17 ayey ahayd markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo magacaabay Cumar Cabdirashiid labo asbuuc kadib markii Barlamanku kalsoonida kala noqdey xukuumadii Ra'isal Wasaarihii hore ee Cabdiweli Sheekh Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cadaadis kala kulmaysa joogitaanka Ciidanka Jubaland ee Mandheera

Kenya ayaa ah saaxiib istiraatiji ah oo Jubaland ah, iyadoo KDF ay u adeegsaneyso sida aag buffer ah oo lagula dagaallamo kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-09-2025

  • 11:28AM

Jubaland: Dowladda federaalka Soomaaliya waxay ka leexatay ajendeyaasha qaranka

Eedeymahan ayaa imanaya iyadoo uu sii kordhayo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada.

  • Soomaliya

    02-09-2025

  • 09:22AM