​UN-ka "Al Shabaab wali Khatar ayay ku tahay amniga Somalia"

Image

Warbixin cusub oo ay QM soo saartey ayaa lagu sheegay in Kooxda Al shabaab, ee xiriirka la leh Al Qaeda wali khatar ku tahay amniga dalka Somalia.

Hay'adda la soconka Cunaqabataynta QM u qaabilsan Somalia, ayaa xustay in Al shabaab ay lix weerar ku qaadeen hoteelo ku yaallo Muqdishu laga soo billaabao November, 2015 ilaa Bishii June ee sanadkan.

"Inkastoo ay jiraan howlgallo ka dhan ah ragagaxisada Al sahbaab, wali waxaa muuqata in amniga Somalia uusan ahayn mid soo hagaagayo, oo horumar laga sameeyay," Ayaa lagu yiri Warbixinta QM.

Qoraalka oo loo gudbiyay Todobaad hore Golaha Amniga ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ayaa lagu sheegay in Al Shabaab ay halis muuqata ku tahay xasiloonida, Nabada dalka Somalia iyo guud ahaan gobolka geeska Africa.

Hay'adda la soconka Cunaqabataynta QM u qaabilsan Somalia waxay sidoo kale sheegtay in Al shabaab ay casriyaysay weeraradeeda, islamarkaana ay awoodo inay weeraro ka geysato dalalka ciidanka ugu yaboohay howlgalka AMISOM.

Kadib weerarkii lagu qarxiyay Diyaaradii Daallo Bishii February, 2016, QM ayaa ka digtay in Al Shabaab ay weeraradooda u weeciyaan dhanka Diyaaradaha isaga kala goosho dalalka gobolka Geeska Africa.

Inkastoo Al Shabaab laga saarey dhowr magaalooyin muhiim u ahaa, oo kamid ah Muqdishu wixii ka danbeeyay 2011, waxay wali fulinayaan weeraro ka dhan ah Goobaha dowladda ay maamusho iyo fariisamaha AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM