UN-ka oo ansixiyey howlgalka cusub ee badalaya taliska ATMIS

Image
AUSSOM waxay hawlgelin doontaa ilaa 12,626 askar ah, oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee loo yaqaan UNSC ayaa ansixiyay Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Talaabadan ayaa waxay calaamad u tahay isbeddelka dhinaca amniga ee Soomaaliya, iyadoo dalku si weyn ula wareegayo xasilloonida Soomaaliya.

Qaraarka tirsigiisu yahay 2767 (2024) ayaa lagu ansixiyay 14 cod halka Mareykanka uu halmar ka aamusay, waxaana lagu bedelay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Hawlgalkan cusub ayaa lagu wadaa inuu bilaabmo Janaayo 2025, iyada oo hawlgallada la soo gabagabeynayo Juun 2025, waxaana wali aan la go'aamin dalalka kamid ah.

AUSSOM waxay hawlgelin doontaa ilaa 12,626 askar ah, oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah, waxayna hoos imaanaysaa 12 bilood oo shaqo ah si ay uga caawiyaan ciidamada ammaanka Soomaaliya si ay uga hortagaan Al-Shabaab iyo khataraha kale ee argagixisada.

Dowladda Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeysay in ay heshay 11,000 oo askari oo ka tirsan AUSSOM, taasoo wax ka qabaneysa walaaca laga qabo galdaloolooyinka dhanka ammaanka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM