UN-ka oo laga dalbaday inuu shir u qabto madaxda DF iyo maamulada.

Image

MUQDISHO, Sooamaliya - Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya [UNSOM], ayaa laga dalbaday inuu qaban-qaabiyo shirweyne ay isagu yimaadaan madaxda dawladda Federaalka iyo kuwa dawlad goboleedyada dalka.

Sida ku xusan Warqad Madaxtooyadda Villa Soomaaliya u dirtay Raisedon Zenenga, oo ah ku xigeenka ergayga QM ee Soomaaliya shirka ayaa la qorsheynayaa inuu qabsoomo dhamaadka bisha June ee 2020.

Warqaddan oo nuqul kamida uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa waxaa ku saxiixan mas’uul lagu magacaabo Prof. Najiib, kaasoo sheegay in loo xilsaaray qaban-qaabinta shirka DFS iyo maamullada.

DF ayaa ka codsatay UNSOM inay kala shaqeyso, islamarkaana ka taageerto sidii uu ku qabsoomi lahaa shirka, iyadoo Raisedon Zenenga la waydiistay inuu warqadda casuumaadda gaarsiiyo agaasimiyaasha madaxtooyadda dawlad goboleedyada ay ku socoto.

“Aad baan kaaga mahadcelinaynaa hadii xafiiskaaga naga caawiyo inuu caasumadda gaarsiiyo agaasimiyaasha madaxtooyadda maamullada,” ayaa lagu yiri qoraalka loo diray Raisedon Zenenga.

Warqadda oo maalmihii dambe dhex-wareegeysay baraha bulshada [Social media], ayaa waxaa og agaasimaha Villa Soomaaliya Nuur Diiriye Xirsi [Fuursade], waxaana la ogeyn inay gaartay maamullada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr jeer sanadkii tagey ku baaqey shirar uu ku casuumay madaxda maamullada, kuwaasoo u qabsoomi waayay khilaafka siyaasadeed ee ka jira wadanka, oo wali la xalin.

Farmaajo waxaa mudooyinkii dambe soo wajahay culeyska gudaha dalka, gaar ahaan Muqdisho oo kaga furan yihiin mowjado siyaasadeed oo uga yimid dhinaca siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxdii hore.

Puntland ayaa horaantii sanadkan ku baaqday shir dib u heshiisiin ah oo u dhaxeeya dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada, si looga wada-xaajoodo aayaha dalka, loona xaliyo khilaafka siyaasadeed ee labada dhinac u dhaxeeya. Laakiin, shirka ma qabsoomin sababo jiray awgood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM