UN-ka oo shaaciyay mowqifkiisa baarista shilka diyaarada Bardaale

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafiiska Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya oo war qoraal ah kasoo saarey shilka diyaaradeed ee magaaladda Bardaale ayaa tacsi u diray eheladda rakaabkii ku nafwaayey dhacdadaas.

Adam Abdelmoula, ku xigeenka UNSOM, ayaa sheegay in uu aad uga naxay warka ku saabsan burburka diyaaradaas sidday shixnad gargaar caafimaad oo kusii jeeday Baydhabo, Bardaale iyo Baardheere.

Lix qof, oo saarnaa diyaaraddaas ay leedahay shirkadda African Express ee fadhigeedu yahay Kenya, ayaa ku dhintay shilka.

Abdelmoula oo soo hadal-qaadey baaritaanka dhacdada ayaa balanqaadey in ay ka taageerayaan dhinacyadda ay quseyso siddii loo ogolaan lahaa sababta keentay in ay soo dhacdo diyaarada 30-qaadka ahayd.

"Ka Qaramada Midoobay ahaan, waxaan sameyn doonaa waxaan awoodno si aan uga caawino dowladda federaalka iyo mas'uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed si loo fahmo sababta keentay musiibadan. Waxaana la socon doonaa waxa kasoo kordha dhacdadan muhiimka ah," ayuu xusay.

Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku afgartay in baaritaan wadajir ah lagu sameeyay sababta dhalisay burburka diyaaradda.

Warbaahinta Kenya ayaa ku warantay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Bardaale ay gantaal ku dhufteen diyaaradda, wallow xukuumadda Addis Abab aysan jawaab rasmi ah ka bixin eedeyntaas.

Mas'uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa waxay rumeysan yihiin in ciidamada Itoobiya oo tababar dabrid sameynayey ay qoriga Zuuga ku dhufteen diyaaradda, waxayna ku sifeeyeen "mid aan ola kac ahayn".

Shilkaan diyaaradeed ayaa kusoo beegmay iyaddoo xiriirka u dhaxeeya Muqdisho iyo Nairobi uusan wanaagsaneyn; madmadowga waxaa dhabaha u xaarey isqabqabsi ka taagan dacwad taala badda iyo siyaasada Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM