UN-ka oo shir u qaban-qaabinaya DF iyo maamulada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa wada dedaalo uu ku doonayo in uu qabsoomi shir ay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo maamulada, sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online.

Shirkaas ayaa, sidda ay xoguhu caddeynayaan, wuxuu diblumaasiga reer Mareykan qorsheynayaan in xal kama dambeys ah looga gaaro is-faham-waaga ka taagan doorashooyinka qaranka ee 2020-21.

Swan ayaa todobaadkii hore wuxuu u socdaalay magaala madaxda ku meelgaarka Koonfur Galbeed ee Baydhabo halkaasoo madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ugala hadlay qaabka wadahadal loo geli karo.

Laftagareen oo u jaranjeera Villa Soomaaliya ayaa dalbadey in uu dhameeyo khilaafka taagan kadib markii dhigiisa Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ku fashilmay xalinta is-mari-waaga taagan.

Dedaalada uu waddo Swan ayaa salka ku haya sidii dalka looga badbaadin lahaa firaaq dastuuri ah maadaama muddo xileedka hay'addaha dowliga ah muddo xileedkooda gabaabsi yahay, qaarna dhamaadeen.

Lama ogga hadii madaxweyne Farmaajo ogolaan doono wadahadalka uu isku-dabaridayo James Swan maadaama uu olole xoogan ugu jiro in uusan mar dambe miiska wadahadalka la fariisan maamuladda.

Dhanka kale, warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay wadahadalo telefoonka ah yeesheen Farmaajo iyo Axmed Madoobe. Balse, gorgortankooda gobolka Gedo ma miradhalin.

Sidda ay illo xog-ogaal ah u sheegeen warsidaha GO, madaxweyne Farmaajo ayaa doonayay in telefoon lagu xaliyo qadiyada gobolka Gedo oo xudun u ah is-mari-waaga taagan kana mid ah qodobada la isku hayo.

Dowladda madaxweyne Farmaajo ayaa gobolka Gedo geysay ciidamo kuwaas oo meesha saarey maamulkii Jubaland ee halkaas ka jiray.

Fahad Yaasiin Xaajia Daahir, taliyaha sirdoonka Soomaaliya oo saameyn ku leh go’aanada waaweyn ee dowladda madaxweyne Farmaajo, ayaa la aaminsan in uu ka cabsi in hadii Farmaajo wadahadalo la yeesho maamuladda uu mar kale ka tanaasulo qorshihiisa la xiriira in uu kursiga difaacdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM