UN-ka oo shuruudo hordhigay nooca doorashada Soomaaliya ee 2020

Image

NEW YORK, US – UN-ka ayaa doonaya in nooca doorashooyinka Soomaaliya 2020-21 uu noqoto mid waafaqsan mabaadi'da aas-aasiga ah, sidda uu sheegay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, James Swan.

Swan oo ka hadlay kulan uu maanta yeeshay Golaha Ammaanka ayaa muujiyey in ay natiijo fiican ka rajeynayaan shirka Dhuusamareeb 3 ee kala qeybsanaanta ka dhex-dhaliyey hogaanka dowlada iyo maamulada.

Hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay isu tanaasulaan isla markaana ay ka shaqeeyaan danta shacabka ay metalaan.

Isagoo xusay in dastuurka dhigayo qof iyo cod iyo in doorashada waqtigeeda ku dhacdo, haddana wuxuu xusay in aan marmarsiyo loo heli karin muddo kororsi; xalka ayuu adkeeyay in uu ku yimaado wadar ogol.

Nooca doorashooyinka soo aadan ayuu caddeeyay in ay muhiim tahay in uu ku yimaado hanaan loo dhan-yahay oo la isu tanaasulay.

"Sidoo kale waa in uu waafaqsan yahay mabaadi'da; dhaqanka xil-wareejinta afarta sano oo si nabad ah ku dhacda, mid la fulin karo, in uu xaqiijiyo metelaada ka badan noocii doorasho ee 2016-kii, in ay u dhan yihiin haweenka, iyo in uu yahay mid dhabaha u xaaraya hadafka doorasho qof iyo cod ah," ayuu ku yiri hadal-jeedintiisa.

Muddo xileedka dowladda hada jirta wuxuu dhacayaa Febraayo, halka baarlamaanka uu ka dhamaanayo November, taasoo ka dhigan in aan la aadi karin qof iyo cod oo qorshuhu ahaa, xalkuna yahay heshiis siyaasadeed.

Intii uu hadal-jeedinta ku guda jiray, Swan ayaa sheegay in uu ka qoomameynayo maqnaanshiyaha madaxweynaha Puntland iyo Jubaland ee DhuusamareebIII, isagoo rajeeyay in ay ku biiraan.

Dhanka kale, Swan ayaa soo dhaweeyay wadahadaladii ay madaxda dowladda federaalka iyo Somaliland ku yeesheen Jabuuti. Wadaxaajoodkaas hakadka galay waxaa soo qaban-qaabiyey daneeyeyaasha caalamka.

Maamulada qaar iyo xisbiyadda mucaaradka ayuu goluhu u sheegay in ay naqdiyeen riditaankii xukuumadii Xasan Cali Khayre.

Ammaanka ayuu sheegay in uu wali caqabad ku yahay horumarka dowlad wanaaga Soomaaliya, isagoo Al-Shabaab ku eedeeyay in ay muddooyinkii dambe sarre u qaadey beegsiga goobaha shacabka ku kulmaan.

Ra'iisul wasaaraha cusub ee la magacaabayo ayuu cod dheer kalsooni uga muujiyey in uu dardargelin doono qorshaha dib u habeynta Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, xaalada bini'aadanimo ee Soomaaliya ayuu carabka ku dhuftay in ay tahay mid walwal badan ku haysa, isagoo xoojiyey diidmada ka dhalatay sharciga galmada ee dhowaan la horgeeyay Golaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM