UNICEF oo Wakiilku cusub u soo magacowdey Soomaaliya

Image
Image
Intii lagu guda-jiray kulanka qaabilaadda, ayaa waxaa lagaga wadahadlay dhowr qodob oo muhiim u ah labada dhinac.

MUQDISHO, Soomaaliya - Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Balal Maxamed Cusmaan, ayaa shalay xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Daryeelka Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Wafaa ElFadil Saeed Abdelatef.

Intii lagu guda-jiray kulanka qaabilaadda, ayaa waxaa lagaga wadahadlay dhowr qodob oo muhiim u ah labada dhinac oo ay ka mid yihiin sare u qaadidda iskaashiga mira-dhalka ah iyo xoojinta wadashaqaynta xooggan ee  Soomaaliya kala dhexeeya Qaramada Midoobey iyo hay'adaheeda gaarka ah si loo gaaro ujeeddada la hiigsanayo oo macno wax ku ool ah ku leh dano wadaagga.

Dhanka kale, wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Maxamuud Cabdi Xasan Pekos iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa. 

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa Addis Ababa kusoo dhoweeyey Qunsulka Safaaradda JFS ee Ethiopia ahna ku simaha Safiirka Mudane Cali Maxamed Xuseen iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM