UNSOM iyo Itoobiya oo ka shiray doorashada Soomaaliya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Demeke Mekonnen, iyo ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa yeeshay wadahadalo dhanka telefoonka ah, sidda ay ku warantay warbaahinta dowladda dalka Ethiopia.

Sidda ku xusan warbixinta, wadaxaajoodka oo qabsoomay Khamiista maanta ah waxay labada dhinac isku-weedaarsadeen macluumaad iyo aragtiyo ku saabsan xaalada haatan ee Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika.

"James Swan ayaa uga xog-waramay Demeke geedi-u-socodka doorashooyinka Soomaaliya, rajooyinka iyo caqabadaha, xaalada siyaasadeed ee haatan taagan, khataraha amni ee maleyshiyada Al-Shabaab iyo walaacyadda la xiriira," ayaa lagu daabacay website-ka warbaahinta dowladda Itoobiya.

Guulaha ay illaa haatan gaareen dowladda federaalka iyo maamuladda ayay bogaadiyeen, ayaga oo hoosta kawada xariiqay baahida loo qabo in lasii wado gorgortanka si loo dhameeyo kala aragti-duwanaan jirta.

Xukuumadda Addis Ababa ee uu hogaamiyo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa gacansaar dhow la leh maamulka Farmaajo ee muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu ka dhamaadey iyadda oo aysan caddeyn qaabka uu waddanka uga baxayo mar-xalada kala guurka iyo hubanti la’aanta uu dhexda uga jiro.

Wargeyska The African Report ayaa sanadkii hore wuxuu daabacay in Itoobiya, Turkiga iyo Qadar ay ka shaqeynayaan soo laabashada Farmaajo.

Abiy iyo Farmaajo ayaa kawada shaqeynaya mashruuca Is-dhexgalka Geeska qaaradda Afrika kaas oo uu hakad geliyey safmareenka Coronavirus iyo colaadda ka qaraxdey gobolka waqoyga Itoobiya ku yaala ee Tigray.

Inkasta oo ay daaha gedaashiisa ka socdaan dedaalo ay madaxda Soomaalida shir guud isugu yimaadaan, hadana qodobadda la isku hayo waxay kala yihiin; guddiyadda maamulaya coddeynta, xulista wakiilada Somaliland iyo ciidamadda Villa Soomaaliya ku daabushay gobolka Gedo ee xadka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM