Update: shirka ka socda Villa Somalia oo laysku mari la'yahay

Image

December 14, 2015 (GO)- Garowe Online ayaa ogaatey in ilaa iyo hadda laysku mari la'yahay kulan xarunta madaxtooyada Muqdisho (Villa Somalia) uga socda madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxweyneyaasha dowladaha kale ee qaybta ka ah federaalka.

Qodobka doodda badan dhaliyey ee dhinacyada qaar diiddan yihiin ayaa ah in hannaanka 1/3 (saddex meelood hal meel) ee Qaramada Midoobey soo jeedisey lagu soo xulo xildhibaannada baarlammaanka cusub ee soo dooran doona madaxweynaha, marka la gaaro sanadka 2016.

Qorashahan waxaa si weyn u qaadacay madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed iyagoo ku andacooday in ay sharci darro tahay in qaab aan dastuuri ahayn loogu gudbo doorashada 2016, maadaama habka 1/3 uusan ku jirin dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.

1/3 waxaa loola jeedaa in xildhibaannada baarlammaanka cusub, saddex meeloood marka loo qaybiyo hal meel oo u dhiganta 92xildhibaan, ka yimaadaan degmooyinkii jirey xilligii burburka kahor, 183da xildhibaan ee harayna lagu soo xulo habka 4.5, taas oo wadarta guud ka dhigeysa 275 xildhibaan.

Dhanka kale, waxaa warbaahinta lagu soo wargeliyey in maalinta berri ah uu qabsoomi doono shirweynaha lagu shaacin doono natiijada kasoo baxday kulammadii muddada asbuuca ka badan madaxda Soomaalida uga soconayey Muqdisho ee looga arrinsanayey habka ay ku dhici doonto doorashada 2016.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo shaaciyey xilliga la shaacin doono natiijada, maadaama weli madaxdu heshiis rasmi ah oo arrintaas khuseeya wada gaarin.

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan kulanka ka socda Villa Somalia dib ayaan idiinka soo gudibin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM