Ururka Al-Shabaab oo laga saarey tuulooyin ay go'doomiyeen

Image

TAYIGLOW Jan 23,2015 [GO]- Ciidamada Soomaaliya oo iskaashi ka helaya kuwa  midowga Afrika ee AMISOM ayaa qabsaday ilaa saddex tuulo oo ku dhow degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ee Koonfurta Somalia.

Buulo-jadiid, Buulo-Yuusuf iyo  Ceel-jarmeed oo hoostaga Tiyeeglow ayaa ciidamadu ka qabsadeen kooxda Al-shabaab, sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Maxamed Foodcade.

Foodcade ayaa intaas ku daray in uusan khasaare ka dhalan howl-galka ay ku qabsadeen deegaanadaas oo ku tilmaamay kuwa muhiim ah in ay soo galaan gacanta dowladda, maadama gargaar u baahan yihiin dadka degani.

"Dowladdu waxay sugaysaa nabadgelyada meelaha ay ka qabsatay Al-shabaab", ayuu yiri gudoomiye Foodcade

Kooxda Al-shabaab kama aysan hadlin howlgalka ciidamada dowladda  iyo kuwa AMISOM ku sheegtay in dhul ku qabsatay, waxaase xusid mudan in deeganadaas ku jireen gacanta ururkaan oo weliba ay go'doonsanaayeen. Halkan ka dhageyso 

GAROWEONLINE
 

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM