Ururka Al-Shabab oo deegaano laga qabtay

Image

Mamulka KMG ah ee Jubba ayaa maanta oo Arbaco ah warbaahinta gudaha u sheegay kooxda Alshabab inay ka qabsadeen deegaano hor leh oo hoos yimaada magalada Kismaayo.

Taliyaha ciidanka Jubba Aadan Maxamuud ayaa sheegay inay maanta dagalyahanadda Alshabab ka qabsadeen deegaanka lagu magacaabo Cabdi Dhoore oo qiyaas ahaan 45km dhanka galbeed Kismaayo kaga beegan balse sarkaalkan ma uusan sheegin inay ciidan dagaalka kaga dhinteen.

Wararka degaankaasi laga helayo ayaa sheegaya inuu cuslnaa dagaalka ciidanka Jubba iyo Alshabab dhexmaray iyadoona ciidanku ay damacsan yihiin inay gacanta kusii dhigaan deegaanadda kale ee ay gacanta ku hayaan kooxdu.

Madaxwaynaha mamulka Jubba Axmed Maxamed Madoobe ayaa sheegay inay ka go'an tahays sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa deegaanadda ay mamusho ALshabab ee ka tirsan Jubbooyinka.

Ciidankan howgalka sameeyay ayaa dhowan tababar kusoo qaatay Jaamacadda Kismaayo waxana u dhamaystiran agabkooda dagaalka sida uu shegay Axmed Madoobe.

Alshabab ayaa wali mamusho deegaano Jubbooyinka ka tirsan iyadoona dadka ku nool deegaamadda ay kooxdu ka taliso ay walaac ka muujiyeen ficiladooda qaldan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM