USA iyo UN oo soo dhoweeyey dhismaha xukuumadda Federaalka

Image

January 29, 2015 (GO)- Dowladda Maraykanka ayaa soo dhoweysey magacaabista Golaha Wasiirada cusub ee labo maalmood kahor Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma'arke soo dhisey.

Qoraal kasoo baxay xafiiska wakiilka USA u jooga Soomaaliya James P. McAnulty ayaa lagu sheegay in Dowlada Maraykanku soo dhoweyneyso dhismaha xukuumada una aragto tallaabo muhiim ah oo horey loo qaadey.

"Dawlada Maraykanku waxay soo dhoweyneysaa dawlada cusub ee lagu dhawaaqay. Arintani waa talaabo muhiim ah oo hore loogu qaaday dhismaha dawlad cusub oo gudata masuuliyada ka saaran sidii loo heli lahaa sugida nabadgelyada, dawladwanaaga, iyo aminga ilaa inta laga gaarayo 2016. Hada waxaa la joogaa waqtigii dhinac layska dhigi lahaa arimaha siyaasada loona soo jeensan lahaa sidii diirada loo saari lahaa danta qaranka" war-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska James ayaa sidaas lagu yiri.

Si taas la mid ah waxaa dhismaha xukuumadda usoo dhoweeyey Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay, isagoo sheegay inay muhiim tahay in xukuuamdda deg deg loo ansixiyo si howlaha dhiman si dhaqso ah loogu dhameystiro.

“Marka la ansaxiyo, Dowladda Federaalku waxay u baahnaan doontaa inay si degdeg ah wax uga qabato ujeeddooyinka dowlad dhisidda iyo nabadaynta ee ay Soomaaliya hiigsanayso. Wax badan baa weli haray in la qabto si loo dhammeystiro Aragtida 2016 ee Soomaaliya. Baarlamaanka Federaalka wuxuu leeyahay kaalin muhim ah oo degdeg ah oo uu ka cayaaro ansixinta xeerar muhim ah iyo dhisidda guddiya madaxabanaan ee weli haray sida ku qoran dastuurka ku-meelgaarka, gaar ahaan Guddiga Qaran ee Doorashada ee Madaxabanaan. Waxaa maalmaha iyo bilaha soo socda loo baahnaan doonaa jawi isutanaasulid iyo dibuheshiisiineed. Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay taageerto dowlad dhisidda iyo nabadaynta Soomaaliya.”  Danjire Kay ayaa sidaas yiri.

Xukuumada cusub oo ka kooban labaatan wasiir oo u badan shaqsiyaad ku cusub saaxada siyaada Soomaaliya, waxaa la filayaa in Barlamanka la horkeeno todobaadka soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM