Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Image

MUQDISHO — Villa Somalia ayaa heshiis siyaasadeed la gaartay garab ka mid ah Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, tallaabadan oo si weyn u muujisay kala qaybsanaanta mucaaradka, ayaa kusoo beegmaysa xilli la guda galay dadaallo lagu mideynayo hannaanka doorasho ee dalka.

Heshiiska oo ay si wadajir ah u shaaciyeen dowladda iyo xubno ka tirsan madasha, ayaa lagu sheegay in lagu xoojinayo midnimada qaranka, la dardargelinayo dowlad-dhis la isku raacsan yahay, isla markaana la mideynayo howlgallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab.

Qodobbada heshiiska waxaa ka mid ah in Madaxweynaha Federaalka uu si toos ah uga imaan doono Baarlamaanka Federaalka, iyadoo madaxda dowlad-goboleedyada ay dooranayaan xubnaha golayaashooda. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa yeelan doona awoodda magacaabista Ra’iisul Wasaaraha, halka Golaha Shacabka uu ansixin karo ama kalsooni kala laaban karo.

Waxaa lagu heshiiyay in xisbiga siyaasadeed kasta oo helo ugu yaraan 10% kuraasta Baarlamaanka Federaalka loo aqoonsado xisbi qaran, taas oo u suurtagelin karta ka qeybgal buuxa oo siyaasadeed.

Doorashooyinka dalka ayaa lagu saleeyn doonaa xeerka doorashooyinka ee 2024, iyadoo la qorsheynayo in si degdeg ah loo bilaabo qabashada doorashooyinka heer degmo, dowlad-goboleed iyo federaal. Waxa kale oo la isla gartay in la dhameystiro dastuurka dalka si loo xoojiyo sharciyadda nidaamka dowladda.

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta, iyada oo garabyo mucaarad ah ay diideen is-afgaradka cusub, halka kuwa kalena ay taageereen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamadda Ciidamada oo dooneysa in xasaanad laga qaado xildhibaano huriyay colaad

Dastuurka iyo xeerarka dalka ayaa dhigaya in xildhibaan aan maxkamad la horgeyn karin ilaa xasaanaddiisa laga qaado.

  • Soomaliya

    24-11-2025

  • 08:14PM

Maxkamad ku taalla Gaalkacyo oo xukun dil ah ku ridday haweeney lagu helay dilka Sabiriin 

Dhinaca kale, maydka Sabiriin, oo aan la aasin intii ay socotay dacwadda, ayaa lagu wadaa in galabta loo gudbiyo qoyskeeda si loogu aaso.

  • Soomaliya

    24-11-2025

  • 01:25PM