Villa Soomaaliya oo dabcisay mowqifkeeda Axmed Madoobe

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dabcisay mowqifkii ay ka qaadatay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam kahor shir-madaxeedka loo asteeyay Dhuusamareeb.

War-saxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa Axmed Madoobe loogu adeegsaday "madaxweynaha Jubbaland", talaabadaas oo ka duwan go'aan dowladda federaalka kasoo baxay horaantii sanadkan.

Bishii August 14-keeda isla sanadkan 2020-ka ayay ahayd markii xafiiska madaxweyne Farmaajo uu shaaciyey in uu Axmed Madoobe u aqoonsan yahay "madaxweynaha ku meelgaarka ah ee maamulka Jubbaland".

Jubbaland oo ganafka ku dhufatay go'aankaas ayaa xustay in dastuurka ku meelgaarka ah uu xeerinayo in aysan aqoonsi uga baahneyn maamulada isla markaana awood u siinayo in ay maamulato doorashadeeda.

Bayaanka Villa Soomaaliya ku bedeshay aragtideeda ayaa ka dambeeyay markii madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamulada ay Dhuusaamreeb ku yeesheen shir horudhac ah u Wadatashiga loo-dhan-yahay.

Kahor kulankan, Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe ayaa xalay yeeshay kulan gaar ah oo ay uga wadahadleen shirka soo aadan iyo tabashooyinka laga tirsanayo dowladiisa uu muddo xileedka ka idlaanayo Febraayo, 2021.

Talaabadan ayaa u muuqata mid ay Villa Soomaaliya kaga hortageyso waji-gabax ama burbur ku yimaada shirka muhiimka ah ee Dhuusamareeb.

Dowladda Farmaajo ayaa ku guuldareystay in ay saameyn ku yeelato doorashadii uu kusoo baxay Axmed Madoobe ee ka dhacday Kismaayo. Kadib fashilkaas, talaabooyinka ay ku curyaamineyso maamulkiisa ayay qaadey.

Xayiraad dhanka hawada, isku dayo milatari oo ay gobolka Gedo ku qabsatay iyo xarig mas'uuliyiin sar-sarre ayaa kamid ahaa "xadgudubyadda".

Marka la gaaro mar-xaladda kala guurka ah, waa caado in madaxda dowladda federaalka ah ay dib u saxaan khaladaadkii ka dhacay mudadii soo dhaaftay si ay sumcadooda ugu badbaadiyaan ololaha doorashooyinkana ugu galaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM