Villa Soomaaliya oo dabcisay mowqifkeeda Axmed Madoobe

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dabcisay mowqifkii ay ka qaadatay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam kahor shir-madaxeedka loo asteeyay Dhuusamareeb.

War-saxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa Axmed Madoobe loogu adeegsaday "madaxweynaha Jubbaland", talaabadaas oo ka duwan go'aan dowladda federaalka kasoo baxay horaantii sanadkan.

Bishii August 14-keeda isla sanadkan 2020-ka ayay ahayd markii xafiiska madaxweyne Farmaajo uu shaaciyey in uu Axmed Madoobe u aqoonsan yahay "madaxweynaha ku meelgaarka ah ee maamulka Jubbaland".

Jubbaland oo ganafka ku dhufatay go'aankaas ayaa xustay in dastuurka ku meelgaarka ah uu xeerinayo in aysan aqoonsi uga baahneyn maamulada isla markaana awood u siinayo in ay maamulato doorashadeeda.

Bayaanka Villa Soomaaliya ku bedeshay aragtideeda ayaa ka dambeeyay markii madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamulada ay Dhuusaamreeb ku yeesheen shir horudhac ah u Wadatashiga loo-dhan-yahay.

Kahor kulankan, Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe ayaa xalay yeeshay kulan gaar ah oo ay uga wadahadleen shirka soo aadan iyo tabashooyinka laga tirsanayo dowladiisa uu muddo xileedka ka idlaanayo Febraayo, 2021.

Talaabadan ayaa u muuqata mid ay Villa Soomaaliya kaga hortageyso waji-gabax ama burbur ku yimaada shirka muhiimka ah ee Dhuusamareeb.

Dowladda Farmaajo ayaa ku guuldareystay in ay saameyn ku yeelato doorashadii uu kusoo baxay Axmed Madoobe ee ka dhacday Kismaayo. Kadib fashilkaas, talaabooyinka ay ku curyaamineyso maamulkiisa ayay qaadey.

Xayiraad dhanka hawada, isku dayo milatari oo ay gobolka Gedo ku qabsatay iyo xarig mas'uuliyiin sar-sarre ayaa kamid ahaa "xadgudubyadda".

Marka la gaaro mar-xaladda kala guurka ah, waa caado in madaxda dowladda federaalka ah ay dib u saxaan khaladaadkii ka dhacay mudadii soo dhaaftay si ay sumcadooda ugu badbaadiyaan ololaha doorashooyinkana ugu galaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM