Villa Soomaaliya oo furin dagaal cusub ka furtay gobolka Gedo

Image
Howlgalkan cusub waxaa horkacaya Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan BFS ayaa maanta la kulmay maamulka degmada Garbahaareey iyo hoggaannada qeybaha kala duwan ee bulshada ee magaaladasi.

Kulankan ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta amniga, kor u qaadista adeegyada bulshada, iyo horumarinta wada shaqeynta u dhaxeysa dowladda iyo bulshada deegaanka. Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa dhageystay sidoo kale warbixinno ay soo bandhigeen maamulka degmada iyo qeybaha bulshada kuwaas oo ka hadlay baahiyaha iyo caqabadaha haysta degmada.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa bulshada ku boorriyay inay door weyn ka qaataan sugidda nabadgelyada iyo taageeridda dadaallada dowladdu ku bixinayso amniga. Wuxuuna ballan qaaday in dowladda dhexe ay sii xoojin doonto wada shaqeynta kala dhaxeysa maamulka gobolka , kan degmada iyo in mudnaanta la siin doono baahiyaha muhiimka ah ee bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM