Madaxtooyada oo ka jawaabtay eeda Aqalka Sare u jeediyey Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxay ka falcelisay eedeynta "dastuur jebinta" ee Aqalka Sare baarlamaanka federaalka ah uu u jeediyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, afhayeenka Senate-ka oo Axadii ka hadlayey fadhi uu golaha ku yeeshay Muqdisho, ayaa sheegay madaxweynuhu iska indhatiray kaalinta Aqalka Sare ee metelaada maamulada.

Mr Xaashi ayaa eedeyntiisa waxay la xiriirtaa balanqaad uu Farmaajo u sameeyay Golaha Shacabka oo ahayd in uu kusoo celin doono go'aano kasta oo kasoo baxa wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb 3.

Cabdinuur Maxamed Axmed, afhayeenka Farmaajo ahna agaasimaha warfaafinta Villa Soomaaliya oo ka falceliyey dhaleeceyntaas, ayaa dooda weji kale u yeelay, isagoo su'aal geliyey sheegashada golaha.

"Haddii Golaha Aqalka Sare uu si dhab ah u matalo Dowlad Goboleedyada, waxay si buuxda u aqbali lahaayeen shuruucdii uu Aqalku meel mariyay, loomana baahdeen in Dowlad Goboleedyadu ay markale miiska soo fariistaan iyaga oo dood ka qaba shaqadii ay usoo wakiisheen Aqalka iyaga matala," ayuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee aala Facebook.

Dhawaqa Madaxtooyadda kasoo yeeray ayay dadka qaarkood ku fasireen mid uga sii daraya xaalada siyaasadeed ee waddanka wajahayo isla markaana ay caddeyn u tahay in madaxda federaalka xal doon ahayn.

Wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb 3 ayaa wajahaya caqabado, iyaddoo dowlada Puntland ay shuruud uga dhigtay ka qeybgalkiisa; magacaabida ra'iisul wasaare cusub iyo ka qeybgalka caalamka.

Shirkaas qorshuhu ahaa in uu furmo 15-ka August ayaa ajendaha ugu weyn ee la filayo in xalka looga gaaro wuxuu yahay nooca lagu aadayo doorashooyinka nagu soo fool leh sanadka xiga ee 2020-21.

Madaxda federaalka ayaa u ololeynaya "doorasho toos ah" taasoo la macno ah qof iyo cod, arrintaas oo xisbiyada iyo maamulada diideen iyagoo cuskanaya in dalka u diyaar-saneyn, kuna taliyey doorasho dadban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM