Villa Soomaaliya oo ka warbixisay kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay fahfaahisay kulanka dhexmaray madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hogaamiyaha Somaliland ee Muuse Biixi Cabdi.

Sidda ay Garowe Online u sheegeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay, labadda mas'uul ayaa shalay galab ku dhowaad hal saac wada-hadalo ku yeeshay xafiiska ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Xogta uu GO helayo ayaa intaas ku dareysa in Abiy uu yahay maskaxda ka dambeysa is-aragga labada dhinac oo ah markii ugu horeysay.

Cabdinuur Maxamed, afhayeenka madaxweyne Farmaajo, oo la hadlay wakaaladda wararka ee AP ayaa xaqiijiyey doorka Abiy, wallow uusan fahfaahin dheeri ah uusan bixin.

"Kulanka wuxuu ahaa mid albaabada u xirnaa. Ma jirin war-murtiyeed laga soo saarey. Wuxuu ahaa mid horudhac ah," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Xukuumadda Addis Ababa ayaanan wali si furan kaga hadlin wada-xaajoodyadda Farmaajo iyo Biixi oo qayb ka ahaa shir-doceedyadda kulanka 33aad ee Midowga Afrika oo ka qabsoomay Addis Ababa.

Dhanka kale, ma jiro mas'uul ka tirsan maamulka Hargeysa oo illaa iyo haatan ka warbixiyey kulanka labada madaxweyne.

Illo diblumaasiyadeed ayaa qiray in is-aragga Farmaajo iyo Biixi uu ahaa mid aan horey loosii qorsheyn isla markaana uusan jirin wax ajande ah oo ay miiska kuwada falanqeeyeen.

Wada-hadalkaan ayaa yimid iyadoo khilaaf u dhaxeeyo qaar kamid ah maamul goboleedyadda Soomaaliya iyo dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo oo mudada xileedka dhamaad ka yahay.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in aysan qaadin talaabooyin dhabaha u xaaraya in dib loo bilaabo wada-hadalada Somaliland, oo tan iyo 1991-kii sheegata gooni isu taag, wallow aan la aqoonsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM