Villa Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay hortaagan kulamada Aqalka Sarre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Markii labaad, waxaa maanta baaqdey kulan lagu wadday in xubnaha Aqalka Sarre ee Soomaaliya ay ku yeeshaan xaruntooda magaala madaxda waddanka ee Muqdisho.

Ajendaha fadhigii maanta ee baaqdey waxaa lagu sheegay u coddeynta xubin cusub oo ka tirsan Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaran, oo Golaha Shacabka horey u soo meelmariyey.

Hase ahaatee, waxaa ku yimid dib u dhac loo aaneeyay kooram la'aan, sidda ay ka dhawaajiyeen xogheynta Senate-ka waddanka.

Senator Iftiin Xasan Baasto oo warbaahinta kula hadlay banaanka xarunta Aqalka Sarre ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya in ay ka shaqeyneyso in mudaneyaasha aysan xaadirin fadhiyadda joogtada ah.

Si gaar ah xafiiska madaxweyne Farmaajo ayuu ka dhawaajiyey in uu ku dhiiragelinayo Senatorada in aysan xaadirin.

Isagoo hadalkiisa sii wata, sharci-dejiyaha ayaa talaabadaas la xiriira khilaafka Aqalka Sarre kala dhaxeeya Madaxtooyadda maadaama goluhu taageeray in ay wadahadalo laga yeesho doorashooyinka.

Si lamid ah, Aqalka Sarre oo kasoo horjeestay xeerarka dhameystirka sharciga doorashooyinka ee horyaala Aqalka Hoose ayaa sheegay in la bedelay nuquladii saxda ahaa, wuxuuna ka digay in la ansixiyo.

"Aqalka waxaa saaka isbaaro cad u dhigtay Madaxtooyadda; Senatoradii ku sugnaa magaaladda in aysan imaanin illaa iyo xalay ayaa laga shaqeynaayey, waxaana sabab u ah Aqalka Sarre wuxuu yeeshay gafuurkii Madaxtooyadda, taas waxaa marka ku sababeynaynaa; arrinta Aqalka ka socota maalmahaan waa arrin siyaasadeed oo ka socota xafiiska madaxweynaha, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga ayaan ku eedeynaynaa in Aqalka Sarre la burburiyo, kii golaha shacabka ayaa horey loosoo burburiyey," ayuu yiri.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in Villa Soomaaliya ay ka shaqeyneyso in marka Golaha Shacabka meelmariyo xeerarka aan loo gudbin Aqalka Sarre, arrintaas oo dood la xiriirta dhanka sharciga ay ka dhalatay.

"Sharciyaa dal lagu maamulaayee, rabitaan shaqsi dal laguma maamulo," ayuu Senator Iftiin kusoo xiray hadalkiisa, isagoo uga digay Farmaajo in uu xafiiska baneeyo "isagoo dalka u horseeday burbur".

Soomaaliya ayaa bartamaha kaga jirtay mar-xaladda kala guurka, waxaana walaaca sii kordhinaya iyaddoo aysan caddeyn nooca doorasho ee 2020-21 isla markaana xil-heynta dowladda uu dhamaad yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM

Lugatoor: Beesha caalamka hal dollar kuma bixin dagaalka Puntland kula jirto ISIS

Waxa uu sidoo kale ammaanay kaalinta Soomaalida qurbaha, kuwaasoo uu sheegay inay bixiyeen malaayiin dollar si ay u taageeraan dagaalka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 01:46PM