Villa Soomaaliya oo muddeysay shirka Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu caawa si ramsi ah u bilaaban doono wadahadalada arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe.

Cabdinuur Maxamed Axmed, afhayeenka Villa Soomaaliya oo shaaciyey arrintaan, ayaanan ka dhawaajin meesha shirku ka dhacayo.

"Madaxweyne JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa si rasmi ah u furaya wadahadallada arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubaland," ayuu kusoo qoray Facebook.

Wuxuu raaciyey: "Xalay ayay madaxdu ku yeelatay Villa Soomaaliya kulan casho sharaf iyo soo dhaweyn ah oo horudhac u ah kan caawa loo ballansan yahay".

"Waxaan rajaynaynaa in ay kasoo baxdo natiijo wanaagsan oo ay saldhig u tahay in ay dalka ka qabsoonto doorasho waqtigeeda ku dhacdo Insha Allaah," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa shalay soo gaarey Muqdisho, waxaana ay kulamo horudhac ah la qaateen wakiiladda Beesha Caalamka.

Shirka Muqdisho ayaa ah mid si weyn isha loogu hayo, waxaana la filayaa in heshiis mideysan looga gaaro nooca doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 kuwaasoo aanan wali lagu heshiis nooca lagu galayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM