Villa Soomaaliya oo muddeysay shirka Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu caawa si ramsi ah u bilaaban doono wadahadalada arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe.

Cabdinuur Maxamed Axmed, afhayeenka Villa Soomaaliya oo shaaciyey arrintaan, ayaanan ka dhawaajin meesha shirku ka dhacayo.

"Madaxweyne JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa si rasmi ah u furaya wadahadallada arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubaland," ayuu kusoo qoray Facebook.

Wuxuu raaciyey: "Xalay ayay madaxdu ku yeelatay Villa Soomaaliya kulan casho sharaf iyo soo dhaweyn ah oo horudhac u ah kan caawa loo ballansan yahay".

"Waxaan rajaynaynaa in ay kasoo baxdo natiijo wanaagsan oo ay saldhig u tahay in ay dalka ka qabsoonto doorasho waqtigeeda ku dhacdo Insha Allaah," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa shalay soo gaarey Muqdisho, waxaana ay kulamo horudhac ah la qaateen wakiiladda Beesha Caalamka.

Shirka Muqdisho ayaa ah mid si weyn isha loogu hayo, waxaana la filayaa in heshiis mideysan looga gaaro nooca doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 kuwaasoo aanan wali lagu heshiis nooca lagu galayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM