Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Image

MUQDISHU- Sida warsidaha Garowe Online horey u shaaciyey waxaa madasha mucaaradka ka baxay koox siyaasiyiin ah oo horey heshiis ula galay madaxda sare ee ka arimasa Villa Somalia.

Siyaasiyiinta mucaaradka ahaa ee ka baxay madasha ayaa wararku sheegayaan iney kala yihiin; Ra’iisul Wasaare hore Cumar Cabdirashiid, Madaxweyne hore Koonfur Galbeed Shariif Xasan, Guddoomiye hore ee Aqalka Wakiillada Dowladda Federaalka Maxamed Mursal iyo Wasiir hore Daahir Geelle, kuwaas oo qaatey siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan doorashada qof iyo cod oo laysku khilaafsan yahay.

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu sheegay in dib loo furey diiwaangelinta xisbiyada, iyadoo wararka Garowe Online helayo sheegayaan in Villa Somalia fursad u siineyso xubnahan inay diiwaan gashadaan xisbi ay si wadajir ah u leeyihiin.

Tallaabadan ayaa ka dhigeysa in xubnahan qaateen siyaasadda laysku khilaafsan yahay ee doorashooyinka qof iyo cod ah, taas oo Villa Somalia si xooggan u riixeyso.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa dhawaan hadal uu ka jeedinayey magaalada Dhuusamareeb, xarunta Galmudug, ku sheegay in mucaaradku kala qaybsameen isla markaana uusan dib dambe ula kulmeyn.

Mucaaradka dhinaca kale ku harey ayaa waxaa kamid ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Khayre, Ra’iisal Wasaare hore Xuseen Rooble iyo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur — kuwaas oo dhowaan si toos ah weerar afka ah ugu qaaday Axmed Fiqi oo ah Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ugu hanjabay inuu weerarayo mucaaradka.

Xeeldheerayaasha ayaa sheegaya in siyaasiyiinta aan ku biirin Villa Somalia marka la eego awoodda qaybinta 4.5, intooda badan isku qayb yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo khatar ku ah barnaamijka Villa Somalia.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM