Waa maxay faa'iidada ay Bulshada Bariga Afrika u leedahay Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku biiritaanka Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika (EAC) bishii Nov. 2023 oo xubinta 8aad ka noqotay waxay calaamad u tahay waqti muhiim u ah dadaalkeeda is-dhexgalka dhaqaale iyo mid goboleed.

Tilaabada ku biirista EAC waxay soo bandhigaysaa fursadaha iyo caqabadaha Soomaaliya, gaar ahaan marka la eego dhaqdhaqaaqa suuqa iyo tirada dadkeeda oo wax la wadaagaya Malaayin kale.

EAC waxay fulisaa mashaariicda horumarinta kaabayaasha, sida wadooyinka baabuurta, tareenada, dekedaha, iyo tamarta ama Korontada. Ka mid noqoshada EAC waxay la macno tahay in Soomaaliya ay heli doonto mashaariicdaas iyo fududeynta ganacsiga, iyo isdhexgalka dhaqaalaha.

La jaanqaadka Soomaaliya ee EAC waxay ballan qaadaysaa faa'iidooyin dhowr ah. Ugu horrayn, helitaanka suuq ballaaran oo ka badan 180 milyan oo qof wadaaga, waxayna si weyn kor ugu qaadi kartaa awoodda dhoofinta Soomaaliya, taasoo horseedaysa kobac dhaqaale.

Waxaa intaa dheer in loo baahan yahay iswaafajinta siyaasadaha iyo qawaaniinta ganacsiga ee gudaha EAC oo u fududayn kartaa ganacsiga xudduudaha, yaraynta caqabadaha ganacsiga iyo kobcinta jawi ku habboon ganacsiga.

Sidoo kale, xubinimadu waxay soo jiidan kartaa maal-gashi shisheeye, gaar ahaan qaybaha sida kaabayaasha iyo wax-soo-saarka, taasoo kor u qaadaysa fursadaha shaqo iyo horumarinta warshadaha ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, ku biirista Soomaaliya ee EAC waxay kor u qaadaysaa xasilloonida gobolka iyo iskaashiga, iyadoo siinaysa Soomaaliya madal ay ku gasho wadahadallo diblomaasiyadeed iyo iskaashi faa'iido leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM