Waare oo magacaabay guddi xilli uu wajahayo eedeymo musuqmaasuq

Image

JOWHAR, HirShabelle – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa wareegto uu soo saarey wuxuu magacaabay Guddiga Wasaaradaha ee Mashaariicda Xalalka Waara.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa, waajibaadka guddiga waxaa qeyb ka ah; xal u helida biyaha had iyo jeer ku fataha Beledweyne iyo guud ahaan degaanadda Hirshabelle.

Guddiga oo ka kooban qaar kamid ah wasaaradaha maamulkaas ayaa magacaabidiisu waxay kusoo aadeysaa xilli Waare uu wajahayo eedeymo la xiriira musuqmaasuq baahsan.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ismaamulka ayaa sheegay Waare in uu lunsaday isla markaana uu si gaar ah u isticmaalay lacagihii loogu deeqay Beledwayne kadib daadadkii sanadka 2019-kii.

Inkasta oo uu horey uga dhawaajiyey in ay soo gaartay deeqdaas, mudaneyaasha ayaa shaki geliyey hadii ay wali baaqi ku tahay gacantiisa, iyagoo ka codsaday in uu kala caddeeyo arrintaas.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayay ka dalbadeen in ay dirto guddi heer sarre ah oo baaritaan ku sameeya wax-is-dabamarinta baahsan ee ay ku lug-leeyihiin hogaanka HirShabelle.

Codsi uu warsidaha Garowe Online u diray xafiiska madaxweyne Waare si uu uga jawaabo eedeymaha loo jeedinayo kama soo jawaabin dalabka.

HirShabelle oo kamid ah maamuladii ugu dambeeyay ee ka dhismay Soomaaliya ayaa xiriir dhow la leh madaxda fadhisa Villa Soomaaliya oo looga digay muddo kororsi ku aadan doorashooyinka 2020-21.

WAREEGTO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Marxalad Xasaasi ah iyadoo aan Laheyn Waddo Cad oo Doorashada ah

Arrintan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed iyo kala-guurka dimoqraadiyadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 02:53PM

Xasan Sheekh oo casuumad rasmi ah u diray siyaasiyiinta mucaaradka

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay in ka caga-jiidayaan ka qeybgalka kulanka, maadaama ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 09:33AM