Waare: Xukuumadda way hareermartay Heshiiskii nala gashay

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay hindise sharciyeedyada ay Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre u gudbiso Baarlamaanka.

Mudane Waare ayaa sheegay in Xukuumadda iyo Xafiiska Madaxweynaha dowladda Federaalka ay hareermareen heshiiskii 5-tii bishan ku gaareen Muqdisho qodobka 54aad ee dastuurka Soomaaliya.

Wuxuu xusay in axdigii dowladda la gashay dowlad goboleedyada xubnaha ka ah, kaasi oo ahaa inay kala tashato hindise sharciyeedyada kahor inta aan loo gudbin labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

"Dhowr sharci ayaa Baarlamaanka ka horkeenay kuwa kalena hadda ayaa la rabaa in loo soo gudbiyo, mana jirto wax la tashi ah oo lagala sameeyay dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka," ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Waare ayaa tilmaamay in dowladda dhexe looga baahan yahay in arrimaha sida tooska ah u khuseeya in lagala sameeyo maamullada wadatashi, kahor inta aan Baarlamaanka ansixin, si ay deegaanadooda uga dhaqan galaan.

Hadalka Waare ayaa imaanaya maalmo kadib markii War Saxaafadeed ay soo saareen Madaxda Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada kaasi oo Aqalk Sare uga dalbadeen inaysan anxixin sharciyada kasoo gudbay Aqalka hoose ee aan iyaga lagala tashan.

Sharciyada Isgaarsiinta iyo Biyaha ayaa Baarlamaanka meel-mariyeen, iyadoo aan lagala tashan maamul goboleedyada, taasina ay muujinayso in dowladda dhexe aan waxba kasoo qaadin heshiiskii ay la gashay 5-tii bishan.

Qodobka 54aad ee dastuurka Soomaaliya, gaar ahaan Farqadiisa "C" ayaa dhigaya in dowladda Federaalka ay kala tashato maamullada xubanaha ka ah heshiisyada taabanaya deegaanadooda ee ay la galayso wadamada ama Hay'adaha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM