Wasaarada arrimaha dibadda oo ku milantay khilaafka doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya ayaa joogteysay eedeymo ay u jeedineyso maamulada Puntland iyo Jubaland iyadda oo fulineysa qorshaha dib—u—doorashadda madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War qoraal ah oo xalay kasoo baxay Wasaaraddan uu wasiirka ka yahay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa lagu sheegay in Puntland iyo Jubaland ay caqabad ku yihiin fulinta heshiiskii 17-kii September isla markaana aysan kasoo jawaabin shirkii uu Farmaajo iclaamiyey markii muddo xileedkiisa uu dhamaadey.

Puntland iyo Jubaland oo ay wehliyaan Aqalka Sare iyo Musharaxiinta madaxtinimadda ayaa mowqifkooda wuxuu yahay in ay wadahadal lagu dhameeyo qodobadda wali lagu muransan-yahay ee doorashooyinka.

Dhanka kale, bayaanka wasaaradda ayaa ku eedeeyay musharaxiinta mucaaradka in ay dhabo sharci darro ah iyo mudaaharaad hubeysan ka dhigeen banaanbax nabadeed, arrintaas oo ay ku tilmaamtay "mid aan marnaba la aqbali karin".

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dalal shisheeye oo aysan carabaabin waxay uga digtay "in ay war-saxaafadeeydo marin-habaabin ah" soo saaraan "kuwaasoo u muuqda in ay ku taageerayaan kacdoonka hubeysan".

Midowga Musharaxiinta ayaa kal hore u sheegay in madaxweynaha xilku dhamaadey uu "siyaasadeeyay waaxda arrimaha dibadda" isla markaana "uu ku qaabeeyay qorshihiisa dib-u-doorashadda una isticmaalayo ololihiisa doorashadda kuna sawir-xumeynayo dhinacyadda kaga aragtida duwan hogaaminta waddanka".

Wasiir Maxamed oo kalkii hore kala shaqeynayey jiray hay'addo caalami ah dhameystirka dastuurka iyo qabsoomida doorashooyinka ayaa tan iyo markii xilkan loo magacaabay wuxuu wareysiyo iyo fagaareyaal caalami ah oo uu kasoo muuqdey dib-u-dhac doorashooyinka ku eedeeyay Puntland iyo Jubaland oo uu kasoo jeedo.

Hoos ka akhriso qoraalka wasaaradda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM