​Wabiga Shabeelle oo fatahaad sameeyay

Image

JOWHAR- Wararka aan ka helayno qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe ee Somalia, ayaa laga soo sheegayaa inuu fatahay wabiga Shabeelle islamarkaana saameeyay dadka ku dhaqan tuulooyin hoos yimaad degmada Jowhar.

Wabiga ayaa ku fatahay tuulooyin badan oo qiyaastii in kayar labo KM dhinaca Bari ka xiga degmada Jowhar, wuxuuna aad u saameeyay dadka beeralayda ah.

Meelaha ugu daran waxaa kamid ah deegaanka Bayaxow, oo laga soo warinayo in dhammaan qarqiyeen biyaha wabiga islamarkaana uu dusha kamaray wixii dalag ku yallay.

Meelo kale oo gobolka kamid ah, ayaa horay wabigu ugu fatahay, waxaana dadka deegaanku codsadeen in xaaladooda wax laga qabto.

Dhawaan ayay ahayd markii wabigan gabi ahaanba biyo laga waayay, iyadoo arrintaasi dhinacyo badan loo dhigay, waxaana kamid ahaa in dowladda Ethiopia biyo xireen samaysay.

Madaxweynaha Somalia ayaa ka hadlay, wuxuuna sheegay inaysan dhici karin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM